عربي Soomaali
Baraha Bulshada

La Noolaanshaha Qur'aanka: Hordhac

0
Saturday March 20, 2021 - 11:01:30 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    La Noolaanshaha Qur'aanka: Hordhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Noolaanshaha Qur’aanka

Hordhac


Casrigan noloshu waa mid iska daba wareeg ah. Waaberiga hore marka aad soo toosto ilaa habeenka xilligiisa danbe. Waa nolol tignoolajiyaddu dawakhisay. Farriin moobilka kaaga soo dhacda, iimayl, faallo faysbuugga ah, war tuwiitarka la soo dhigay, muuqaal yuutuubka lagu soo laliyay, telefishannada iyo aaladaha kale ayaa ah kuwo dad badan maskaxda ka qabsaday.



Tiknoolajiyaddaa casriga ah ma odhan karnaa waa mushkilad? Maya, ma wada odhan karno. Waaba nimco Ilaahay swt ina siiyay oo ay waajib tahay in looga faa’idaysto wax uu raalli ka yahay. Wax badan way inoo tartay tignoolajiyadu, waxayse innaga galaafatay dadnimadii. Waxay innaga galaafatay in uu qofku nadiif ahaado maskax ahaan oo u fekero si sax ah.


Qofka baraha bulshada ku jira ee isticmaalayaa, waa sidii qof meel bannaan ah lugaynaya, oo ay u dhawaaqayaan tobannaan cod, oo jiho walba kaga qaylinaya,qofkaasi wuu wareerayaa uun. Waxa intaa dheer, qofka ku darsada soojeed habeenkii ah iyo caways xilli danbe ah oo dhallinyaradu samayso. Arrimahan waxa ka dhasha oo dadku ka dhaxleen qalbi-qallal iyo xasilloonidii oo guurtay, ilaa ay noqotay cabasho taagan mar kasta oo laga maqlo dhallinyarada iyo guud ahaan dadka arrimahan la nool.


Miyaynaan u baahannay in aynu samaysanno waqti aynu ka cararno dhibaatooyinkaas iyo buuqaa, oo nafaheenna aynu dabayno oo ruux gelinno? Miyaanay habboonayn in aynu qalbiyadeenn ku debcinno oo ku noolaynno qur’aanka?


Qur’aanku nafaha ayuu daahiriyaa, qalbiyada ayuu jilicyaa, ruuxda ayuu nadiifiyaa culaysyadana ka ridaa. Tilmaamahanna, qur’aanka ayaa lagu sheegay inay ku sugan yihiin oo laga helayo.


Waxa aynu halkan ku wadaagi doonnaa dhacdooyin, aad ugu eeg dhacdooyin qur’aanku xusay, kuwaas oo laga dheefayo in ay quluubta daaweeyaan kuna soo celiyaan sidoodii dabiiciga ahayd.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip