عربي Soomaali
Baraha Bulshada

ISLAAMKA & CALMAANIYADA[ 1 ]

0
Sunday June 04, 2017 - 21:09:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1097
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    ISLAAMKA & CALMAANIYADA[ 1 ]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ISLAAMKA & CALMAANIYADA[ 1 ]
________________________________

"sii Qaysar wixiisa[xukumka], Ilaahayna sii wixiisa[diinta]" waxaa yidhi Nabi Ciise(CS) -- sida ay qabto Masiixiyadu.

"Waxaa tidhaahdaa(Nabi Alloow] Salaadayda, Gawracayga, Noloshayda iyo Dhimashadaydaba waxaa iska leh Ilaaaha Caalamiinta " Al-Ancaam, 162.

Labadaa nas ee aan soo xusay waxay kala xambaarsanyihiin laba faham oo kala fog.
Kan Masiixiyadu wuxuu waafaqsanyahay Calmaaniyada -- oo ah kala soocista Diinta iyo Dawlada.


Markii ay Awoodii kala qaybsadeen Kaniisadii iyo Qaysar(Xaakimka), aakhirkii waxaa la borabixiyey Kaniisadii oo ay awoodeedii meesha ka baxday -- waxaa badashay Diin Cusub oo halkii kasii waday mabda'ii kala soocida. Diintaasi waa "Calmaaniyada" Casriga ah.
Waxaa sababay in awoodii Kaniisadu ay meesha ka baxdo kadib markii:
- ay Wadaadadii Masiixiyadu isu rogeen Kalitaliyayaal garma qaatayaal ah oo dadkii Diintii ku gumaystay dhinac kasta, waxayna diintii ka dhigteen silcad ay gataan.
- ay Aqoontii ama hal-abuurkii Cilmiga kasoo horjeesteen, ee ay fikirkii Aqoonyahanka cabudhiyeen, ee la shuraakoobeen Boqortooyinkii ay barakeynayeen.

Halkaa waxaa ka curtay Mabda' Ilaah diidka ee ku salaysan Caqliga & Dabiicada -- Calmaaniyada.

Islaamku se wuxuu u socdaa inuu dhiso nidaam dhamaystiran(الشمولية), oo Diin & Dawlad aan kala soocnayn. Mana ogola in qaybna loo gaaryeelo arimaha diinta/cibaadada qayb kalena loo carbuuno arimaha dawlada/siyaasada/nolosha.

Sow halkaa kamaynaan fahmin kala duwanaanshaha Calmaaniyada & Islaamka!

Mahadsanidin dhamaan.

Dr.Mustafa Kaydsane
30/May/2016

#la_soco_qaybaha_dambe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip