DOOD CILMIYEEDKII ANIGA IYO MAX’ED CABDI DAA'UUD.
Mahad oodhan Alle (sw) ayay u sugnaatay. Ammaan Alle iyo Naxariisina korkiisa ha ahaato Rasuulkeenna iyo ehelkiisa iyoasxaabtiisaba.
Intaa kadib waxay ahayd Habeen Sabti soo gelayso oo ay dhammaatay MaalinJimce ah, Tirsiga Islaamkuna uu ahaa 18/07/1438H, oo ku beegnayd 14/04/2017, Habeen kaasooka mid ahaa Habeennada adduunkan aynu ku noolnahay igu soo maray, wuxuu iigu Suntanaa dood na dhex-martay aniga iyo Oday Soomaaliyeed oo horey aanaan isu Aqoon Wallow aan maqli jirayMagaciisa, Dooddaas oo ay Agaasin-keeda iyo Bandhigeedaba lahayd HCTV.
Dooddaas waxaa Saldhig looga dhigay Laba Qodob in lagahadlo:
1) Dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah iyo waxay yihiin iyoBaahida loo qabo Maxaytahay ?.
2) Qolada la baxday (AL-SAADICIINA BIL XAQ) ee dhawaan is muujisay iyo waxay yihiin ?.
Hoolkii lagu qabanayay dooddaa waxa buux-dhaafiyeyDad u badnaa Arday iyo Culimada Shareecada kuwaas oo aad u danaynayay dooddaas.
Dabcan Daadihiyaha Barnaamijkaas oo ah Ninka loo yaqaanno Max’ed Ilig ayaa nagu Wargeliyay in dooddu ay noqon doonto Laba Qaybood: Qaybta hore oo ah Bandhig kooban oo ku Saabsan Labada Qodob ee doodad loo asteeyay, taas oo loo kala Qaybiyay aniga iyo Max’ed Cabdi Daa'uud -oo ah Ninkaaannu wadaagaynay dooddaa- mid walbana loogu talogalay 20daqiiqo, in kasta oo markii danbe la iigu daray 5 Daqiiqo, halka odaygana loogu daray 7 Daqiiqo.
Qaybta danbe ee Barnaamijka ayaa ahayd mid loogu talogalay in ka-soo-qaybgalayaashu Su'aalo ku waydiin karaan Anigaoo ah Dr.faysal Max’ed Cali iyoMaxamed Cabdi Daa’uud.
Dooddaas waxay soconaysay muddo 2Saacadood ah, waxayna kabaxday HCTV Habeenkii Jimcuhu soo gelayayee Taariikhduna ahayd 24/07/1438H oo ku beeganayd 20/04/2017.
Haddaba Qormadan waxaan ku eegidoonnaa ama aan ku qiimayn doonnaa Maxamed Cabdi Daa'uud iyoQaabkii ay u dhacaysay dooddiisu, waxa kale oo aan caddayn doonaa khaladaadkii uu kudhacay intii dooddu socotay.
Waxaan odhan karaa ama aan ku soo ururin karaa Qiimayntiisa in uu yahay nin Cadho iyo Ciil aan Qiyaas lahayn u qaba Dacwadda Salafiga ah, is lamarkaana ka Arradan wixii uu ku ciil bixi lahaa oo dabcan ah Cilmiga Diiniga ah, waxa keliya oo uu Miciin biday Cay iyo Af-xumo aan munaasib u ahayn Da'da uu marayo oo kusii Siqaysa illaa80 jir.
Ciilkaa Gaammuuray markaan Qiimayn ku sameeyay halka uu Salka kuhayo waxaan ku soo uririyey Qodobbadan:
1) Isaga oo ku fashilmay in uu hanto Hoggaanka Xarakadii ugu horaysay ee S/land ka hirgasha (AL-WUXDA), taas oo uu ka mid ahaa xubnihii ugu horreeyay ee kubiira, Fashilkaas ayaa geyaysiisay in uu ka xuubsiibto anshaxii iyo aqoontii lagu yaqaannay Ducaada (AL-WUXDA).
2) Hana-qaadka Dacwadda Salafiga ahi ay Hana-qaadday, iyo Guulaha ay ka soo hooysay inta Soomaliyi degto.
3) Is muujin iyo kabkabka dhaawaca ka soo gaadhay Fashilka Dacwadeed ee uu kala kulmay Nolasha,Waxaana la yaqaannaa Qofku marka uu hoos uga dhoco geeddigiisa inuu kukabo in uu la yimaado wax soo jiidanaya Indhaha iyo Maqalka Dadka.
4) Isaga oo ka Ganacsan-jiray Wadanka Sucuudiga oo ah runtii waddan la odhan karo wuu Nidaam adag yahay, oo ay dhicikarto in uu dhib kala kulmay xagga Nidaamka Wadanka, taasoo la odhan karo waxay dhaxalsiisay in uu colaadbadan u qaado Sucuudiga.
5) Is mahadin iyoAqoonyari is Barkaday.
Arrimahaa aan sheegay waxaa u daliilah oo laga dheehan karaa Qaabkii uu u hadlayay iyo wixii uu sheeganayay oo ay ka mid ahayd:
1) Waxaan ahay (AL- WUXDA).
2) Waxaan ku baaqayaa in la soo celiyo Qubuurihii la dulfadhiyi-jiray iyo khuraafaadkii.
3) Waxaan ahay Shaaficiya.
4) Waxaan gubi jiray kutubta Sucuudiga laga keeno Jimce walba.
5) Waxaan akhriyaa Manaaqibka.
6) Mad-habka Xanaabilada in la keeno Waddanka waa Denbi.!
Waxyaabahaasina wax isqabanaya ma aha, ee waxay Daliil u tahay marin Habawga haysta ina Cabdi Daa'uud.
Waxa uu goobtaa kasheegay waxyaabo badan o okhalad ah, waxaana ka mid ahaa:
1) Aflagaaddo baahsan iyo Cay aan loo meeldayin, taasina waxay Katarjumaysaa Shakhsiyadiisa.
2) Wuxuu sheegtay in aan qofna lagu Xukumi Karin in uu Diinta kabaxay ilaa uu isagu sheegto!. Arrinkaasina waa gef weyn oo dhaawici kara Diintiisa.Culimada Shaaficiyada ee uu isku dhedhajinayo bal ha u noqdo kutubtooda hana eeggo Cinwaanka ay ku Qoreen Kutubtooda Fiqiga ah ee ay u bixiyeen (كتاب الردة أو باب الردة) Kitaabka Ridada oo ah Cutub ay kaga warramaan Qofkii Muslimka ahaa ee hadana Gaaloobay iyo waxyaabaha lagu Gaaloobo, iyo Xukunka ka dhalanaya marka uu Gaaloobo Qofku; Sheegashadiisaasi waxay astaan u tahay laba arrin midkood: in uu yahay nin Jaahil ah oow eliba aan is ogeyn in uu Jaahil yahay, amma waa nin doonaya Diinta Alle (sw) in uu waxyeelleeyo.
3) Wuxuu sheegtay in uu manaaqibku sax yahay isaga oo inoofasirayana wuxuu yidhi: Manaaqibku waa ammaan la ammaanayo Sh. C/qaadirAl-jaylaani ,Warkaasi war xaqiiqada ka fog weeye, waana hadal kazoo yeedhay nin aan Manaaqibka garasho iyo aqoon u lahayn, amma waa xumaan wade is Qarinaya. Manaaqibku ammaan keliya maaha ee waxaa kabuuxa Shirki iyo Gaalnimo, ay ka mid tahay in Sh. C/qaadir la siinayo Xuquuq Alle (sw) keligii leeyahay.
4) Wuxuu sheegay in C/laahii bin Imaam Axmed ibnu Xanbal uu gaalaysiiyay Imaam Abu-Xaniifa, taasina waahadal xaqiiqada ka fog, waxaanan Habeenkaa kadalbaday in uu iisoo diro meesha uu ku Gaalaysiiyay, mana yeelin ee wuxuu ku faafiyey Bogga uu ku leeyahay face-book-ggiisa Kitaabka iyo boga uu sheegtay in warkaasi ku yaallo, markii aan eegay waxaa ii caddaatay hadalkii aan habeenkaa halkaa kalahaa ee ahaa warkaasi inaannu ahayn war jira, taasina waa caddayn kale oo ah in ninkaasi uu Jahli Gudayo, amma uu yahay ninLunsan.
5) Wuxuu sheegtay in Salafiyiintu ay gaalaysiiyaan Murji'ada, Muctasilada, iyo Ashaacirada, Taasina waa War aan Sal iyo Raad toona lahayn oo aanu awood ulahayn in uu sheego meesha ay ku Gaalaysiiyeen.
Gunaanadka Qormadan waxaan kulatalin lahaa Maxamed Cabdi Daa'uud iyo kuwa waddadiisa oo kale hayaa in ay Alle (sw) u soo noqdaan oo ay kahadhaan waddadaa khaldan ee ay marayaan, waa waddo hore loogu jabay, Waxa kale oo aan kulatalin lahaa Hubla'aan waa lagu jabaa ee inta ay daan Cid laacin ama Golayaasha usoobixin Hub Diyaarsada, hubkaaan u jeedaanawaa Aqoon iyoCilmi.
WQ: Dr. Faysal Max'ed Cali.
DOOD CILMIYEEDKII ANIGA IYO MAX'ED CABDI DAA'UUD.