Talo bixin iyo Maansada suxufiyo siyaasoow
Asc wr wb, waxan salamayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed meelkastay joogaanba anigoo aan jeclayn in aan ka hadlo arimaha khuseeya siyaasada kana madax banaan dhamaan xusbiyada dalka ka jira kana mid ah dhalinyarada ka shaqeeya ururada wacyigelinta iyo horumarinta arimaha bulshada hadana waxan doonayaa in aan si kooban uga hadlo laba qodob oo soo jeedin iyo dhaliil isugu jira .
Qaybta koobaad waxa y ku saabsantahay suxufiyiinta soo bandhigta waxkasta oo sirta iyo sumcada dalka wax yeelaya iyaga oo aan ka fekerin cadawga umada, caqabadaha iyo cidhib dambeedka ay umaddu ka dhaxli karto arin ay si xun ugu soo gudbiyeen bulshada ku xeeran xiliyada ay jiraan arimo xasaasiya iyo xaalado cusubi sidoo kale siyaasiyiinta hadafkoodu hooseeyo, hankooduna kusoo ururo hunguri, hadal kooduna reer hebel, hogaamintii wacnayd iyo hiyigii laga sugayayna halleeyay higsi fogna lahayn ee ka fikiraaya dano u gaara markaan sidaa leeyahay cid gaara qof iyo qayb kamida toona uma jeedo laakiin waxan sheegayaa cidkasta oo si khaldan wax u sheegta ama u qorta ciduu doona ha ahaado ama qaybtu doono haka tirsanaado. Qaybtan waxan u dhaafayaa tala bixintooda maansada magaceedu yahay HAKU SHIILMIN AAKHIRO ee xaga hoose ku qoran.
Ninka xarafka qora iyo
Suxufiga xorta ahaw
Ninka xeelad sheegtiyo
Xusbi iyo siyaasoow
Mar hadaa xilqaadeen
Umada u xamaashaan
Waa in aad xaq dhawrtaan
Wixii xiisad kicin kara
Amnigana xumayn kara
Shacbiguna xamili Karin
Sharaftana xawili kara
Shaqadana xayiri kara
Shaydaanka xoog tara
Shuf tadana u xiise ah
Cadawgana u shaafiya
Waa in aad shagaashaan
Ilayn shaama reernee
Shir gudoon samaystoo
Waxkastoo shil dhalin kara
Shaashadaa ha keenina
Sha,da kale waxay tahay
Sheeg sheega khayrkoo
Shib ka dhaha xumaantoo
Shar wadeen ha noqonina
Shay kale xasuusoo
Kiinii shax dhigayiyo
Midka been shu shubayee
Buun buunsha hadalada
Rabbi baa u shaahida
Bulshadaa shuhuud u ah
Isagaan ka sheelayn
Shay dunida yaalaa
Sharcigana u soo rogay
Shaan dhaynta aadmaha
Kuu sheegay amarada
Shaydaanku kaa diray
Waxba yaan shubaahine
Ifku waa shan maalmood
Waxa aad shaqaysaad
Shir waynaha la tagaysaa
Haku shiilmin aakhiro
Shay aan ku siiyee
In aad shaakir noqotaan
Rabbigiin shucuurtaan
Shaydaanka naartaan
Shacabkana shifaysaan
Shalawgana dabooshaan
Cadawgana shareertaan
Sharaftiina weeyaan……
Qaybta labaad ee mawduuca waxan u soo jeedinayaa shacabka siyaasada ku milmay ee markasta iyo meelkasta hadal haya in ay iska hubsadaan wararka ay ka maqlaan labada qolo ee aynu xaga sare ku xusnay kana feejignaadaan waxkasta oo nabada iyo xasiloonida dalka dhawici kara laba arina meel mawada galaan doorasho ku salaysan qabiil madax ilaa mijin iyo cadaalad raadin sidaa awgeed marka hore qofkastaa waa in uu qiimayn buuxda ku sameeyo masuulka uu codkiisa siinayo isagoo ka eegaya dhinacyada hogaamiyaha wanaagsan ee horumarka aqoonta iyo awoodiisa wax qabad laakiin hadii aad marka hore qabiil ku dooratay iyo dano gaara hadhawto cidna ha canaanan .
gabogabadii mawduuca dhalinyaradu waa in ay ka fogaadaan in loo adeegsado ujeedooyin gaara oo lagu majara habaabinayo masiirkooda aqooneedna hoos u dhigaya sida in ay cid iska taageeraan ama iska cambaareeyaan iyaga oo aanay hayn wax xaqiiqa oo go,aan lagu qaato ama lagu diido iyadoo hab caadifadeed loogu adeeganayo ama qabiil meelo dhawna wax laga tusayo waayo umadi waxay ku dhisantaa dhigeed ay ku dhaaftaa dhalinyarada weeyaanwaa halku dhigyada dallada SYNA markasta ku baraarujiso dhalinyarada kuna dhiirigeliso waxuuna xambaarsan yahay macno wayn oo wax ku oola.
dhalinyaro waxan idin rajaynayaa in aad yeelataan fikir saliima, faalo saxan,feejignaan iyo firfircooni kana fogaataan caqliyada fadhiidka iyo faasidka ah kuwaas oo ay fadhiisiyeen qabyaalada iyo qudhunka ku xeeran hadii aynu la nimaadno arimahan waxaynu ku gaadhaynaa furayaasha guusha allaa mahad leh.
kaltuun maxamed muuse
Talo bixin iyo maanso. Q/kaltuun maxamed