عربي Soomaali
Baraha Bulshada

Calmaaniyadda iyo soomaalida 3aad.

0
Monday December 12, 2016 - 10:09:44 in Maqaallo by
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calmaaniyadda iyo soomaalida 3aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii saddexaad.

Hor iyo horraan mahad oo dhami waxay u sugnaatay Alla weyne koree oo hufnaaye, Ilaahoow adigaa mahad oo dhan horrayso iyo dambayso labadaba iska leh, Alloow waxaan kaaga mahadcelinayaa dhammaan galladahaaga xad-dhaafka ee aad igu maashaysay iyo guulaha tirada badan ah ee aad igu galladdaysatay, goorwalba iyo goobwalbana aan ahay midka ku dhex barwaaqaysan ee badhaadhe iyo rayn rayn ugu dhex naaloonaya.


Alloow waxaanka mahadcelinayaa galladda abbuurka iyo ahaysiinta, galladda bini-aadamnimada iyo dadnimada, galladda muslimnimada iyo iimaanka, galladda xoogga iyo dhallinyarannimada galladda caafimaadka iyo fayaqabka, galladda aqoonta iyo garashada.

Alloow waxaan ka mahadcelinayaa galladdahaaga aanan tiro iyo magac midna kusoo koobayn, galladaha intaan ogsoonahay ee ka warqabo ay ka badan yihiin inta aanan ogsoonayn ee warkoodaba hayn, galladaha inta aan xasuusan karo ee magacooda sheegi karo ay ka badan yihiin inta aanan xasuusanayn isla markaana magayadoodaba garanayn, galladaha tiradooda, waxtarkooda, iyo malkada ay iigu jiraanba aanan ahayn mid marna si dhab ah u garan kara ugana garaabi kara.
Marka labaad jaallayaal bariido suuban, aroor sareedo badan iyo dharaar samaan badan Alle ha inno iba furo, libdhada soo baxdayna Alle wanaag iyo walaalnimo toolmoon ha innoogu subko siraadka iftiinkeeda aamiin.

Marka saddexaad akhriste waxa aynnu halkan ka amba qaadi doonnaa idanka Alle qormadii saddexaad ee taxane dhigaaleedkii aynnu ugu magac darray "Calmaaniyadda iyo soomaalida" kaasoo qormadan ka hor ay baxeen labo qoraal, taxanahaa qormadiisii labaad oo noqonaysa middii tan ka horraysay waxa aynnu kaga warcelinnay weydiimo afar ahaa, weydiimahaa oo ka mid ahaa afar iyo toban weydiimood oo aynnu qormadii kowaad ku tilmaamnay inay innoo noqon doonaan gundhigga qoraalkeenna iyo barta aynnu ka abbaari doonno mawduuca, dabcan waxayna noqonayeen halmuceedka iyo xooxda xog warranka ku aaddan cudur-bulsheedkaa loogu yeedho calmaaniyadda.

Maanta haddii Alle weyne innoo ogolaado waxa aynnu isdultaagid ku samayn doonnaa wixii innooga suurtooba tobanka weydiimood ee inno laalan, halcelintooduna goor ambo ah innoo dabranayd, waxa aynnu ka bilaabi doonnaa weydiinta aynnu ku sunti doonno sunsun tireedka shanaad ee weydiimahaa warcelintooda taasoo aynnu ka dhigan doonno middii u dhignayd;
- Waa kuwee qaybaha bulshada ee mashaqadani sadhaysay salleeladan maskaxeedna naafaysay marka la joogo qaybaha bulsho weynta soomaaliyeed ee joogta carro edeg?!.

- Weydiintaa warcelinteeda oo kooban waxaynu leenahay; qayabaha bulshada ee cudurkani haleelay caabuq nafsadeed iyo mid maskaxeedbana u geystay waxay noqonayaan dhawr qaybood oo u kala horreeyey xagga haleelidda, isla jeerkaana sooyaalku kala guntay gooro xagga hilaadda kala dambeeyey, qaybaha bulshadeenna uu cudurkani qofaf ka mida saameeyey, si xunna maankooda u fadhateeyey waxa ka mid ah kuwan;

. Siyaasiyiinta iyo u dhaqdhaqaaqayaasha hoggaaminta iyo hagitaanka ummadda oo had iyo jeer ah ama u badanba kuwo iyagu malkadan iyo martabaddan usoo cimaamata, ummaddana ka barya inay u caleemo saaraan maxadnimada, hoggaamintoodana u boqradaan iyagoo ku beerlaxawsada hadalo iyo ereyo been iyo baryootan doqonniimo u badan, bulshadaa tamarta daranna sidaa kaga danaysta, hantidooda ku booba, isla markaana ugu dambaynta noqda kuwo u adeega aabbayaashoodii calmaaniyadda iyo barayaashoodii cudurkan qaadsiiyey ee ay ka dhaxleen.
Siyaasiyiinta jaadkan ahi aalaaba waxay u qaybsamaan labo qaybood; qaybta kowaad waa qayb cudurkani inta uu si ba'an u dhaandhaamay una candadawlay, garashoodii ku cayaaray ka dibna uu gaadhsiiyey heer ay qarsan kari waayaan, halbeegyadii dadnimada toolmoonna inta ay ka luntay xataa ujeedkooda sidii u wanaagsanayd si ka duwan u dhaqmay, waa nimanka inta ay bulsho muslimiin ah oo Allooha taqaanna soo hor joogsadaan odhanaya looma baahna ama innama dhaqayso eegga shareecada in lagu dhaqmo siyaasadda ummaddana lagu hago, waa nimanka damiirkooda iyo dadnimadoodu kala garan waayey cidda ay u arriminayaan iyo waxa ay ku arriminayaan, doqonnimada nimankaa haysa waxa aad ka arkaysaa xataa hadalkooda iyo habdhaqankoodaa aynnu tilmaamnay, maaha rag dux iyo diir ummadnimo ku soo dhowaaday, waa nimankaa hadalkoodu uu ka martabad hooseeyo cida duurjoogta madaarka dameeraha ee aynnu aragno halka sadhadani gaadhsiiyey!!.

Qaybta labaad ee siyaasiyiintani waa niman cudurkani iyaga laftooda aafeeyey oo sambabada iyo sararaha fadhiistay, waxa ayse ku tilmaaman yihiin had iyo goor in aanay muujisan xagga odhaahda iyo ereyga afkooda kasoo baxaya oo xaggaa waxa ay ku dhaamaan qoladii hore, waxa ay garanayaan in haddii ay sidaa u hadlaan dadkani ku kacayaan hoggaamintoodana lagasoo horjeesanayo, hoosta waxay ka wadaan dabkii kululaa ee ay iyaguba ku gubteen iyo cudurkii duumo bulsheedka ahaa mar hore dadnimadooda harraatiyey hadhuubkii ummadnimo ka daadiyey, ummaddeenna marka loo eego noocan dambe ayaa innagu xun oo innagu khatar badan waa wixii ay soomaalidu hore uga murtiyeysay ugana maahmaahday ee ahaa "waraabaha kan ciya iyo kan aamusan ka aamusan baa xun", qoladan dad badani maba garan karaan doqonka iyo maangaabka oo dhamina ma dhaadi karaan farsamadooda iyo fariidnimada ay dabkaa ku holcinayaan iyo mana arki karaan daabcadda afaysan ee ay hulaabta ku qarinayaan waana meesha ugu weyn ee laynaga soo galay xagga hoggaanka aynnu ka arradnay iyo maamulka aynnu dhawr iyo kontonka sano u harraadday!.
- Jaadka labaad ee ummadda soomaaliyeed ee mashaqadani haleeshay iyo xubin bulsheeda labaad ee inna naafowday waxa aynnu ku tilmaami karraa inay tahay; qaybta loo yaqaan aqoonyahanka iyo indheergarka ee aynnu uga fadhinay inay innaga daweeyaan wax badan oo ka mid doqonniinadii ummaddeed ee aynnu duurka iyo galaha geela kala nimi oo qabyaaladdu ugu horrayso, qaybtani waa qaybtii aynnu gelinay tacabka ummaddeed iyo xooggii aynnu lahayn dhinac walba, hadday tahay mid aqooneed, hadday tahay mid dhaqaale, hadday tahay mid maskaxeed iyo dadaal maanfureed, dhammaan wixii aynnu xoog iyo xoolo ummaddeed lahayn meelaha ugu weyn ee ay innooga soo cad yihiin ayay ka mid yihiin qoladan aynnu sheegaynaa, waxa aynnu ka aragnaa xataa magaca aynnu siinay iyo malkada aynnu joojinay oo ah inay yihiin aqoonyahankii ummadda soomaaliyeed iyo indheergaradkii bulshoweynta magacaa huwan!!!!.

Kooxdaa halkii aynnu abaal doora iyo dadaal xooga ka sugaynay waxa ay innoogu abaal celiyeen inay innoo soo xambaaraan afkaartaa bugta iyo habfikirkaa baqtiga ah ee aynnu aragno foolxumada araggiisa iyo qadhmuunka urtiisa ee aan meella innooga iman sawraceenna iyo sumaddeenana sida xilka leh u dhaawacaya, waxaynu odhan karraa qofwalba oo tilmaamtaa laga helo sidaa aynnu soo sheegnayna u dhaqmay sumadda kowaad aynnu ka aragno inuu inna dhaafay waxay tahay abaal dhaca iyo aboodi dhaqanka aynaan weligeen samayn ee uu innagula soo noqday iyo aabbe diidka aynnu indheheenna ku aragno.

Qoladani waxa iyaga laftoodu noqonayaan uun labadii qaybood ee aynnu siyaasiyiinta usoo qaybinay ee kala ahaa qoladii cudurkani banaanka uga soo baxay ee boogtooda qarin kari waayey iyo qolo weli hadba buste innoo saaraysa meesha bugta iyo barta xanuunka badan ee ku taalla, labadan qoloba waxa ay ka mid yihiin kuwa innagu sugaya goobaha waxbarasho ee kala heer/heerar sarreeya iyo meelihii aynnu uga baahnayn inay ummadda maankeeda nadiifiyaan, uskaga jahliga iyo doqonnimadiina reer baadiyenimona inta ay ka maydhaan u rogaan garaad dhalaalaya iyo garasho aynigeeda la fil ah oo ummadda abaarta iyo omoska jiilaal-bulsheedka inta ay ka raraan doogga iyo tigaadda dayr-bulsheedka iyo cosobka gu-ummaddeed ka inta ay ugu sahan tagaan geedigana u saanqaadaan.

- Jaadka saddexaad ee ummaddeenna xanuunkani sadheeyey waxa aynnu ku tilmaami karraa inuu yahay bulshada qaybta loo yaqaan qalinmaalka iyo qorayaasha soomaalida in badan oo ka mid ah, qaybtani waxa laga yaabaa inay dhinacyada kale la saftaan labadaa qaybood ee hore ( siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka) waxa aynnuse gaar ugu xullay ayaa ah inay yihiin qorayaal iyo dhigaal kaydiyayaal dheeraad la ah qoraalka iyo dhigaalka oo ah dhaxal qofka ka da'weyn, waayo iyo waqtiyo badanna ka dambeeya oo uu adduunka kaga tago goorta ay tiisii gaadho, arrinkaa ayaa innagu kalifay inaynu ka yeello unug iyo koox gaar ah oo sideeda ugu baahan in looga warbixiyo, xogtoodana loo biniixiyo.

Qalinmaalka cudurkani haleelay waa waxa ay aalaaba ku tilmaaman yihiin kuwo qalinkoodu sun iyo waabay tuurayo, meel dheer iyo meel dhowba ciddii uu gaadhoba sadhaynayo oo wax yeello gaadhsiinayo intii ay doontaba ha le'ekaatee bulshada qaybeheeda u nugul xanuunkan oo aynnu dib ka tilmaami doonno insha Allaah.
Qalinleyda calmaaniyaddu gashay waxaynu ku tilmaami karraa inay ka mid yihiin kuwa ugu khatarta iyo dhibta badan ee aynnu aragnay/arkayno, waxa ay adeegsanayaan qalinka iyo qoraalka oo ah waxyaabaha waqtiyo dheer jira isla markaana facba fac ka dhaxlo ee laysu wareejiyo loona kala dambeeyo, waxa qalinkooda caaradiisa marsan suntii abriska iyo abeesada way ka daran tahay, waxaynu ku tilmaami karaa inuu yahay irbaddii xanuun fidiyaha ahayd ee cudurada laysugu gudbin jiray iyo durtado aan dambarkeeda la dhadhamin karayn qadhaadhkiisa.

- Jaadka afraad ee aynnu ka sheegi karro jaadadka bukaanka ah ee boogaha waaweyna xanuunkani ku yeeshay waxaynu odhan karraa waa qolada ugu aayaha iyo dadnimada xun, uguna dambaysay xagga sooyaalka iyo goorta ay samaysmeen, ugu khatarta badan dhanka fidinta iyo firdhinta cudur bulsheedkan calmaaniyadda iyo xanuun maskaxeedkan diin la'aanta ah, qoladani waa qolo laga yaabo inay markoodii hore ahaayeen/ u muuqdeen dad wanaagsan iyo sama wadayaal ummaddeed, laga yaabee qaarkood inay hore u soo qabteen shaqooyin wan wanaagsan iyo adeegyo waxgal ah oo ummadda wax weyn u qabtay, laga yaabee in bulshada qaybo badani u arkaan inayba yihiin niman toosan iyo walaalo toolmoon mase aha, nin qofwalba oo inuun waxgaradnimo ku jirtaana ugu horrayn wuu garanayaa.

Qoladani waa duul markii hore wadaado ahaan jiray safka culimada iyo aqoonyahanka diintana lagu tirin jiray, sida culimada u dhaqmi jiray adeegga iyo hawl qabadka culimadana qaban jiray, hase ahaatee goor dambe ama goor dhexe meel kale fadku uga hillaacay hayaankana u raray kob omos ah iyo meel abaar, kulayl iyo qaniin badani isugu yimaaddeen, waa duul iyo qolyo si weyn u halaabay xoogna u baadiyoobay, waxaynu odhan karaa waa kuwa ugu doqonniimo iyo dadnimo liidasho badan qaybahaa aynnu soo tilmaanay oo idil.
Waxa ay aalaaba yihiin kuwo isu dhiga inay diin iyo arrin daw ah ka hadlayaan, had iyo jeerna waxayba daliishadaan aayado iyo mararka qaar axaadiis ay macnahooda gediyayaan, halka ay marar kale is diidsiiyaan nusuusta iyo waxyiga arrinkooda ka horminaya ama ay macnayaal kale oo ay gacantooda ku samaysteen u yeellaan ummaddana waswaas iyo wareer inta ay ku ridaan weesaaq maskaxeed dhaxalsiiyaan, hadhowna marka ay arkaan arrimuhu inay kusoo adkaadeen hadba meel kale isku qaada dawyo kalena jeex jeexa.

- Jaadka shanaad oo noqon doona kan aynu ku soo afmeeri doonno jaadadka iyo qaybaha dadka soomaalida ku abtirsada ee calmaaniyaddu gashay waxa ay noqon doonaan laba qaybood oo aynnu hal qayb iskaga dhignay, labadan qaybood waxa kulmisa hal tilmaan oo keentay inaynu is raacinno tilmaamtaas oo ah tilmaam markeeda horeba liidata dadnimadana aan ba u wanaagsanayn, tilmaamtaasi waxay tahay waxa loo yaqaan" nacamlaynta ama guulwadaynta" qolada shanaad waxaynu odhan karraa ama ku magcaabi karraa "guulwadayaasha calmaaniyadda" waxa ay aalaaba ku timaaman yihiin meelahaana isla miciiraan arrin dalab leh iyo hadal doqonniimo badan kaas oo u badan inay difaacaan qolyahaa dagaalka ku jira ee badhaadhey, xagga dadnimada qoladan baaba liidata oo ka hoosaysa qolyahaa mashaqoobay ee maanku ka shaashoobay.

Labadan qolo waxaynu odhan karaa qaarkood waa qofaf iyo dad keli keli ah oo midba meel iska joogo waxna aanay isu hayn balse arrinkaas oo qudhi mideeyo, halka qolada labaad yihiin haayado iyo xarumo hawl gala oo caawimo iyo taageeroba u fidiya calmaaniga iyo calmaaniyadda labadaba, qoladan labaad waxay bixiyaan taageero mood iyo maskaxba leh oo lagu horumarinayo laguna firdhinayo cudurkan iyo qaabsocodkiisa, waxa ay ka shaqeeyaan sidii, qaabkii iyo tubtii xanuunkani ummadda oo dhan u wada sadhayn lahaa bulshada oo dhanna tuur loogu yeeli lahaa oo ay u qarsoomi lahayd tuurtan iyo boogtan maanta inta yar ka muuqanysa, ugana badbaadin lahaayeen calmaaniyiinta inay noqdaan tuke baal cad oo bulshada ka soocan iyo koox karantiimo ku jirta oo aan la ogolayn inay inna soo dhexgalaan.

La soco qormada afraad Insha Allaah.

W/Q:Ismaaciil Ciise Xuseen (Ismaaciil Daacad)

Hargeysa Soomaalilaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip