عربي Soomaali
Baraha Bulshada

Nabiga(scw) Jacalykiisu waa Raacidiisa

0
Saturday December 10, 2016 - 11:16:13 in Maqaallo by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabiga(scw) Jacalykiisu waa Raacidiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


قوله تعالى ( إن الله وملائكته يصلون على النبي يا أيها الذين آمنوا صلوا عليه وسلموا تسليما ( الاحزاب: 56 )
"Alle & Malaa'iigtiisu waxay ku saliyaan Nabiga -- Alle wuu barakeeyaa, Malaa'iigtuna way u ducaynaysaa -- ee Mu'miniintaay Nabiga Alle ku saliya -- u duceeya -- oo waxaad ku salaantaan salaanta Islaamka".


----------------------

Haddii Mawliidka looga jeedo "Nabi Jacayl -scw-", salaad kasta iyo markasta waa lagu saliyayaa, Sunnadiisana waalagu dhaqmayaa, wadadii uu inoo jeexayna waalagu toosnaanayaa ilaa saacadu ka dhacdo, inshalaah. 
Nabigu Xujadii wuu inagu oogay, fariintiisiina wuu ina soo gaadhsiiyey, amaanadiina wuu inagu soo simay, waajibkiisii oo dhana wuu gutay.

Nabigu waa Adoon Alle( siduu isaguba isku sifeeyey), ma dhaafin karno inta uu Alle darajo gaadhsiiyey Nabigeena --scw-- oo ah darajada ugu saraysa Nabiyadiisa.

Qasiidooyinka( Heesaha) lagu amaano Nabiga qaarkood waxaa ku jira waxyaabo shirki inoo hogaaminaya, qaarkood waxaa ku jira been-abuurasho, iwm.

Muslim kasta waa in ay maalintiisa oo dhami noqoto Nabi amaan iyo ku toosnaanta jidka toobiyaha ah ee uu inoo tilmaamay!!

Wixii aan Alle iyo Nabigiisa ka sugnaan ee lagu cibaadaystaa waa Bidco, Bidcaduna waa ambasho, ambashaduna waxay ku arroortaa Naarta( Alle ha inaga samata-bixiyo e).

Haddaba inaga oo is leh Alle & Nabiga u dhawaada yeynaan falin Bidco inaga fogaynaysa.

Alle ha inaga dhigo kuwii Sunnada ooga Bidcooyinkana ka digtoonaada.

W/Q: Dr Mustafe Kaydsane



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip