Joogitaanka culimada iyo reebista xumaantu waxay deyr nabad gelyo u tahay adduunka, wanaag faristu waa sabab ka mid ah sababaha uu Alle- sarreeye – ku cayminayo noolaha dhulkan.
"يحمل هذا العلم من كلّ خلف عدوله ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين".
"Cilmigan fac kasta waxa u xambaara kuwooda ugu toosan ee ugu caddaaladda badan, waxay ka hufayaan qalloocinta kuwa xad gudbay, diin ku sheegga baadilka ee ay kuwa hallowsani sameysanayaan, iyo ta’wiilinta kuwa jaahiliinta ah”.
Caalimkii waynaa ee Imaam Axmed Bin Xanbal- Alle ha u naxariistee- isaga oo xadiiskan daliishanaya, tilmaamayana kaalinta culimada, ayuu sidan yidhi: "Ilaahay baa mahad leh wakhti kasta oo rusushu kala go’do u yeela dadka culimo hanuunka ugu baaqda kuwa lunsan, dhibtooda u dulqaata, kuwo dhintay ku nooleeya kitaabka Alle, nuurka Alle wax ku tusa kuwo indho beelay.
Maxay mid Ibliis dishooday nooleeyeen, maxay mid ambaday oo dayeysan hanuuniyeen, maxaa ka wanaagsan raadka ay bulshada ku dhex leeyihiin, maxaa ka fool xun dhibta ay dadku ku hayaan-----",
Imaam Axmed isagoo khubaddiisa sii wata ayuu yidhi: "—kuwa bidcada calamada u sida, ee hoggaanka fitnada kor u taagay, waxay isku khilaafsan yihiin "Alle", waxay baal marsan yihiin xaqa, waxay ku kullansanyihiin ka fogaanshaha quraanka.
Alle iyo kitaabkiisa ayey ka sheegayaan wax aanay aqoon u lahayn, waxa ay soo tuurayaan hadallo shubuhaad ah, waxay dagayaan oo fahamkooda shaki gelinayaan dadka caamada ah, Ilaahay baannu ka magan gallay fitnada kuwa habowsan” sidaas waxa uu ku xusay kitaabkiisa:
"الرد على الجهمية والزنادقة فيما شكوا فيه من متشابه القرآن وتأولوه على غير تأويله”
Allahayow xaqa nagu sugo oo noogu gargaar, u hiilintiisa nagu garab istaag, oo camalkayaga ikhlaas kaaga yeel.
xidhmo yar oo ka mid ah buugga: "Hal-------" bogga: 145