عربي Soomaali
Baraha Bulshada

Calmaaniyadda iyo soomaalida 2aad.

0
Saturday December 03, 2016 - 11:32:28 in Maqaallo by
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calmaaniyadda iyo soomaalida 2aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii labaad.

Hor iyo horraan mahad oo dhami waxay u sugnaatay Alla weyne koree oo hufnaaye, Ilaahoow adigaa mahad oo dhan horrayso iyo dambayso labadaba iska leh, Alloow waxaan ka mahadcelinayaa dhammaan galladahaaga xad-dhaafka ee aad igu maashaysay iyo guulaha tirada badan ah ee aad igu galladdaysatay, goorwalba iyo goobwalbana aan ahay midka ku dhex barwaaqaysan ee badhaadhe iyo rayn rayn ugu dhex naaloonaya.


Alloow waxaanka mahadcelinayaa galladda abbuurka iyo ahaysiinta, galladda bini-aadamnimada iyo dadnimada, galladda muslimnimada iyo iimaanka, galladda xoogga iyo dhallinyarannimada galladda caafimaadka iyo fayaqabka, galladda aqoonta iyo garashada.

Alloow waxaan ka mahadcelinayaa galladdahaaga aanan tiro iyo magac midna kusoo koobayn, galladaha intaan ogsoonahay ee ka warqabo ay ka badan yihiin inta aanan ogsoonayn ee warkoodaba hayn, galladaha inta aan xasuusan karo ee magacooda sheegi karo ay ka badan yihiin inta aanan xasuusanayn isla markaana magayadoodaba garanayn, galladaha tiradooda, waxtarkooda, iyo malkada ay iigu jiraanba aanan ahayn mid marna si dhab ah u garan kara ugana garaabi kara.
Marka labaad jaallayaal bariido suuban, aroor sareedo badan iyo dharaar samaan badan Alle ha inno iba furo, libdhada soo baxdayna Alle wanaag iyo walaalnimo toolmoon ha innoogu subko, siraadka iftiinkeeda.

Marka saddexaad maanta waxa aynnu bilaabi doonnaa idanka Alle in aynnu sii amba qaadno taxane qoraaleedkii innoo soo bilaabmay jumcadii tan ka horraysay ee aynnu ugu wanqallay "calmaaniyadda iyo soomaalida" kaas oo ahaa mid ka xog warramaya falgalka iyo bal sida uu cudurkaasi ku yahay degaamada iyo degmooyinka soomaalidu degto ee dhaca gees lo'aad u eka afrika ee ku qotoma cidhifka bari ee qaaradda afrika isla jeerkaana ka warbixin doonta guud ahaan xanuunkaa iyo saamayntiisa ku aadan dhammaan bulsho weynta soomaalida ee joogta carro edeg iyo cidhifyada caalamka.

Waxaynu kaga warcelin doonnaa idanka Alle tiro weydiimo ahaa oo ay qormadii tan ka horraysay innagu jalbeebtay, kuwaasoo sida aynnu soo caddaynay innoo ahaa gundhigga iyo iniinta aynnu ka abqaali doonno xog warran keenna, isla markaana innoo noqon doona hagayaasha warbixin murtiyeedkan kooban ee cudur maskaxeedkan xun (calmaaniyadda) iyo boogaha ugub ee uu ku samaynayo saanta iyo sawraca islaamnimo, soomaalinimo, ee gobanimada ku gaashaaman ee aynnu sumadda iyo baadisoocda u leenahay.

Weydiimahaasi waxay ahaayeen xagga tirada afar iyo toban weydiimood oo ahaa hal muceedka weydiimaha maangalka ah ee qofku iska weydiin karo ugu horraynba marka uu indha ku dhufto magaca taxane qoraaleedka ee aynnu xaga sare kusoo gaashaynay ee ahaa " Calmaaniyadda iyo soomaalida" weydiimahaa maanta waxa aynnu ka warcelin doonna intii aynnu ka gaadhsiin karro idanka Alle wixii innaga hadha ama aynnu maanta ee aynnu maanta ka baaqanno waxa innoo ballan ah qormooyinka tan maanta xiga insha Allaah.

Weydiinta kowaadba haddii aynnu bilawno waxaynu isweydiin doonnaa calmaaniyaddu ma tahay wax jooga ama aan idhaahdee malaga soo helayaa degaamada soomaalida iyo dhulalka soomaaliyeed ee aynnu soo sheegnay mase tahay fikir ay qaateen dadyow soomaalida ah oo ay rumaysan yihiin maanta ama ay rumaysnaayeen shalay iyo tagtadii?.
Weydiintaa warcelinteeda iyadoo kooban waxbana aynnaan waqti badan iskaga lumin waxaynu leenahay haa, calmaaniyaddu waxay ka mid tahay xanuun bulsheedyada iyo cudurada ummaddeed ee laga soo helayo degmooyinka iyo degaannada soomaalida ee kala duwan haba ku kala badnaadaan saamaynteeda iyo tirada calmaaniyiinta ee ku sugan.

Sidoo kale calmaaniyaddu maanta waa xanuun ay la dacdarraysan yihiin qaybo bulsho weynta soomaalida ka mid ah kuwaasoo ka kala tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada xanuunkaasi saameeyey, markaan leeyahay qaybaha bulshada xanuunkaasi saameeyey haddaad isweydiiso ma waxa jira qaybo aanu xanuunkani saamaynta? Waxaan ku leeyahay "haa" waxa jira qaybo badan oo bulshada ka mid ah oo aanu cudurkani gaadhin saamaynna haba yaraatee ku yeelan meelnaba aanu uga soo dhowaan.

Weydiinta labaad ee aynnu maanta ka warcelin doonno idanka Alle ha innoo noqoto weydiintii labaad ee dharaartii aynnu isasoo weydiinnay taasoo ahayd, goorma iyo xilligee ayuu cudurkani soo galay edegga iyo xayn daab ummaddeed ka soomaalida, ama aan idhaahdee goorma ayuu soohdimaha iyo seerayaasha ummaddeed innoo soo
galay maan-fadareeyahan liita iyo jirradan maskax-shaasheeyaha ah ee foosha xun?!.

Warcelinta iyo talbinta weydiintan oo aynnaan si sargo'an usoo tebin doonin waxaynu ku tilmaami karaa in aynnaan hayn xilli go'an iyo goor cayiman oo aynnu maanta sheegno waxaynu se odhan karnaa waxa uu inna soo galay goorihii iyo xilliyadii geylanka gobanimo u dirirka ah uu ka socday gobaladii lixdamaadkii qarnigii tegey gobanimada qaatay iyo goorihii dharaarihii gobanimada gadaashoodii oo ahaa xilliga uu inna helay wax aynnu ku tilmaami karro dhalan guur iyo dhaqan gedis taban marka dhawr meeloodba laga eego, kaasoo soomaalida kobteedii horena ka raray kob kale oo dhaqan iyo dadnimo ummaddeed toganna aan dejin ilaa maantana ku socda, meelo badanna laga dareemi karo ama aan idhaahdee laga arki karo marka dib loo milicsado sooyaalkii faca weynaa ese soomaalida iyo tagtadii inna dhaaftay ee ummadnimo.

Weydiinta saddexaad ee maanta inna hortaalla innoogana baahan in aynnu ka halcelinno ayaa inno noqon doonta idanka Alle middii aynnu isku weydiinnay sidee ayuu cudurkani kusoo galay degmooyinka soomaalida iyo degeladeena geeska oo dabcan goorahaa iyo xilliyadaa aynnu soo tibaaxnay ahaa kuwo ka durugsan meelihii xanuunkani bariinsaday boogaha iyo nabarada halfeefanaya ka samaystay ee dunida guud ahaan gaar ahaana dunida islaamka ee uu saameeyey?.

Warcelinta aynnu weydiintaa kaga halcelinaynaa waxay tahay, sida ay tahay dhaqanka cudur noocan ah iyo xanuun bulsheedka fikirka ku dhaca aalaabana lagu yaqaan, xanuunkani waxa uu innoogu yimi qaab dhuumasho ah iyo dhabbacasho aad yar socod ah oo uu kusoo gabaday waxyaabihii kala duwanaa geyiga goorahaa saaqay oo samaan iyo xumaanba lahaa, waxa uu innagu soo gaadhay sida dulinka ama shilintu ugu gudbaan deegaanta fayow ee naflaydeeduna ka bedqabto oo ah inuu qaniinyo qabow kusoo qabsado noole iyo naflayda meelahaa imanaya midkood ama qaarkood ka dibna ku saaqo kuwii hore meeshaa ugu sugnaa ee aan waxba qabin, isla markaana dharaaro ka dib isugu rogo mid saamayntiisa taban yeesha.

Weydiinta afraad ee aynnu saaka ka warbixin doonno xogteedana madiixi doonno ayaa noqonaysa isla weydiintii afraad ee qormadii hore taasoo u dhignayd, maxay yihiin waddooyinka ama wadiiqooyinka ay calmaaniyaddu soo martay markii ay degaamada iyo gurigeena soo gelaysay ee ay innooga soo talawday dunida meelihii ay ku xab- burursatay ama degaamadii muslimiinta ee ay xamaamada xun dhigatay bilowgii, taasoo innoo iftiimin doonta bal waxa u sahlay in ay inasoo gaadho oo guryeheenna innoogu timaado, aafadan aynaan ab iyo sinji ummaddeed midna u lahayn geesnaba, waxaynu isweydiinaynaa ama maankeenna lulaya immika ayaa ah tolow, xanuun ummaddeedkan jaan ma waxa uu soo maray hawada oo waxaynu ku tirinaa xanuunada ay dabayl xagaaga koonfur-galbeed ka dhabata innoo keentay mise tolow waxaynuba ku tirinnaa xanuunada qabowga iyo qalaylka dabaysha jiilaalka woqooyi bari kasoo dhacda innasoo raacay, mise tolow waxaynu ku darnaa dalagyada dibedda innooga soo dhoofa ee waqtiyaa xoogsaday waxyaabaha ay inna dhaxal siiyeen, sida aynnu cuduro kaleba ugu aanayno cuntooyinkaa, mayee aynnu ku darro waxyaabaha maraakiibta iyo doonyaha badda innoo soo raacay, oo awelba sow kuwii doonyo ama maraakiib badani innoo iman jiray maxay ku kala duwan yihiin, immikaan gartay waxaynu ku daranaynaa diiwaanka cudurada baadhista innooga baahan in aynnu baadhista aqooneed iyo baadi-goobka sahanka aqoon-raadiska bilow uga dhigno, haa tan dambe ayaa gar ah oo aynnu ajiibi karraa, hase ahaatee aan inyar toganno ama isdul taagno warcelintu waxa ay innooga biniixiso warka ay innoogasoo tebiso weydiimahaa maankeenna culay ee aynnu marba dhinac sida soomaali geeliisii laga qaaday, waddooyinka iyo toobiyayaasha calmaaniyaddu soo martay marinada ay sol raacday iyo meelaha ay innaga soo gashay waxaynu ku tilmaami karaa kuwan;

- Marinka koobaad ee calmaaniyaddu innoo soo martay waxa aynnu ku tilmaami karraa ama odhan karraa waxa uu yahay hagihii waxbarasho ama manhajkii aqooneed ee soomaalida loo dejiyay dharaarihii gobanimada ka dambeeye kaas oo ahaa ama lagu tilmaami karo inuu ahaa mid aan ka turjumayn una taagnayn sumaddii ummadnimo ee ahayn muslimnimo toosan iyo soomaalinimo togan.
Waxa aynnu taasna usii aanayn karraa manhajkan oo marka horeba dhawr meelood ka cuskanayey ama ku tiirsanaa manhajyadii reer galbeedka iyo dunidii cudurkani garba duubtay ee gaaladii gumaystaha iyo kuwii ka ag dhowaa, meelaha uu ka cuskanayey waxa ka mid ahaa xagga aqoonyahankii soomaalid ahaa ee manhajkaa dejinayey waxa ay ahaayeen qaar uu gumaystuhu wax soo baray inta uu degeladiisii geeyey, bulshadiisii dhex geeyey, noloshiisii dhaqan-dhaqaalena kusoo canqariyey ka dibna soo geliyey iyagoo irbadahaa ku duran, geesta kale manhajkaa waxa kormeerid, tifatirid, faafreebid, iyo jaangoynta ugu dambaysaba lahaa aqoonyahankii gaalka ahaa iyo ubixii gumaystaha oo xeeladdan uga digarogtay gumaysigii tooska ahaa iyo gacan ku hayntii muuqatay ee geyigeenna.

- Marinka labaad iyo waddo nacaska kale xanuunkaasi innaga soo galay waxaynu ku tilmaami karraa inuu yahay aqoonyahankii debedda waxbarashada u tegey xilliyadii dawladnimada soomaalida iyo gobanimadii ka dib, taas oo keentay in dhallintii jamhuuriyaddii soomaalidu inta ay meelo badan ka helaan deeqo waxbarasho iyo aqoon noocyo kala duwan ah haddana ay si dheeraad ah ama aan looga fadhiyin jeebabka ugu soo gurteen mashaqadan aynnu maanta warkeeda wadno, dhallintaas oo marka hore ahayd sida aynnu soo sheegnay kuwo aan si rasmiya u wadan baadisoocdii ummadnimo isla markaana aan ku hubaysnayn dhaxalkii awoowe ee toolmoonaa ayaa waxa ay dhex galeen bulshooyin iyo ummado xanuunkan la suuxsan ama la sirirsan ka dibna waxay dhaxashiisay inay saamayn taban oo dhinacyo badan nolosha ummadda ka sadhaysay sawracii ummadnimona ka dhoobaysay oo kaga ciyaartay xareeddii ilbaxnimo iyo ilayskii ay naawilayeen in ay ku nasan doonaan jeerka ay dawlad iyo maamul iyaga ka turjumaya helaan.

- Marinka saddexaad ee aynnu odhan karro waa waddo uu iyana cudurkani soo qaaday iyo tuubbo xanuusidaha calmaaniyaddu soo raacay waxay tahay jaaliyaddihii iyo bulshada soomaalida qaybtii qaxoontiga noqotay xilliyadii dagaalkii sokeeye ka bilaabmay jamhuuriyaddii soomaalida iyo wixii ka dambeeyey ee ilaa maantadan ku soo siman, in badan oo bulshadii qaxday ah ayaa markii ay tageen ee caga dhigteen dhulalkii cudurkani naafeeyey iyo ummadihii uu oofaha tiray degmooyinkoodii waxay ku dhex milmeen bulshooyinkaa ka dib na waxayba qaateen fikirkan gurracan ee aynnu tilmaamayno.

W/Q:Ismaaciil Ciise Xuseen Daacad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip