2.1 Fahamka toosan ee Sunnada Nabiga(SCW):
Waxaa muhiim ah in aynu Sunnada u fahamno si qoto-dheer oo ay hagayso aqoon cuddooni. Maxaa yeelay, fahamka Sunnadu waxaa ku xidhan hubinta iyo suggida xadiithka iyada oo loo raacayo halbeegyo la isla waafaqsanyahay, waxaana ka mid ah:
1. Fahamka Sunnada ee looga shidaal qaadanayo Qur'aanka Kariim ka ah:
Si aynu Sunnada faham dhab ah ugu yeelano waxaa lama huraan ah in aynu ku fahamno tilmaammaha Qur'aanka; isaga ayaa ah jiridii iyo ishii asaaska u ahayd Islaamka, Sunnaduna waa sharaxii iyo faahfaahinta -- koobnidiisa(مجمل), fasiraadiisa wixii murug leh(مشكل), qaydiddiisa (مقيد) iyo fiddintiisa (مطلق).
Sida uu Alle ku cadeeyey Ayaadan soo socota: قال الله تعالى: "وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ "وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
(النحل: 44 )
" waxaanu kugu soo dejinay Kitaabka si aad dadka ugu cadayso hannuunkaa loo soo dejiyey, waa in ay fiiro ugu yeeshaan".
Sidaas awgeed, Xadiith kasta oo aynu la kulano oo muuqaal ahaan u eg mid ka hor imanaya Aayad Qur'aanka ku soo aroortay; laba mid uun buu noqonayaa: in aanu sugnayn markiisa horeba, ama in fahamkeenu uu ka gaabiyey fahamkiisii saxda ahaa. Tusaale: burinta Xadiithka (شاوروهن و خالفوهن) -- waa mid been-abuur ah oo aan asal lahayn. Xadiithkani wuxuu ka hor imanayaa Qur'aanka oo sheegaya sharcinimada in ay lamaanaha is-qabaa ka tashadaan in la nuujiyo iyo naaska laga daayo ilmahooda nuujinta laga daayo, kii ay isla gartaan labadoodu.
قوله تعالى:(فإن أرادا فصالا عن تراض منهما وتشاور فلا جناح عليهما (البقرة:233) )
sidoo kale Xadiithkani wuxuu khilaafsanyahay dhaqankii Rasuulka(SCW) ee uu ku la tashan jiray ooriyihiisa iyada oo uu marar badanna qaadan jiray taladdooda( sida; taladii Umu-Salama 'Heshiiskii Xudaybiya' ay usoo jeedisay in uu isagu hawsha xalaaloowga u fuliyo si ficil ah, si ay Saxaabaduna uga daba fuliyaan -- Bukhaari ayaa ku soo wariyey dhacdadaas Saxiixiisa).
2. Ururinta/Jamcinta Axaadiithta ku soo aroortay mawduuc isku mid ah: Sida uu Qur'aankaba badhkiis ba badh ka kale u fasiro ayaa Axaadiithtana badhba badh ka kale u sharaxaa. Waxaa dhacda in eray kakani ku soo arooro Xadiith oo uu mid kalena caddeeyo macnihii eraygaas. Waxa kale oo dhacda in eray caamnimo( عام) ugu jira Xadiith inuu mid kale ku ahaado mukhasas( مخصص ). Xadiithna uu ku soo arooro meel Muqayad( مقيد ) meel kalena Mudlaq( مطلق). Sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in la is waafajiyo riwaayadaha Axaadiithta( روايات الاحاديث ) -- si aynu uga gaadhno Axaadiithtaas faham toosan iyo xukum-dheegasho sax ah. Tusaale:
حديث ابى ذر عن النبى-- صلى الله عليه وسلم-- قال: ثلاثة لا يكلمهم الله ، ولا ينظر اليهم يوم القيامة ولا يزكيهم، ولهم عذاب اليم. قال فقراءها رسول الله-- صلى الله عليه وسلم -- ثلاثة مرات. قال ابو ذر: خابوا وخسروا من هم يا رسول الله؟ قال: المسبل، والمنان، والمنفق سلعته بالحلف الكاذب. اخرجه مسلم-- كتاب الايمان، باب بيان غلظ تحريم اسبال الازار، رقم 106، ص 41. "
" Sadex Alle lama hadlo mana eego Maalinta Qiyaamaha, abaalkooduna waa caddaab xanuun badan. Sadex jeer ayuu Rasuulku ku celiyey odhaahdaa. Abuu Dar ayaa waydiiyey Rasuulka(SCW); kuwa ay yihiin dirkaa hoogay ee halaagsamay, Rasuulkuna wuxuu yidhi: ' waa ka marada shulaha geeya, ka dadka u manasheegta iyo ka dhaar been ah ku dhaarta marka uu wax iibinayo' ".
Sida ka muuqata macnaha daahirka ah ee Xadiithkan Shula-gaynta maradu gabi ahaanba waa xaaraam. Hadii se aynu la eegno Axaadiith kale si aynu isu soo dumno; waxaa inoo soo baxaya in reebistan looga jeedo marka marada shulaha loo geeyo kibir iyo is qaad qaadis awgeed.
Axaadiithtaana waxaa ka mid ah: حديث عبدالله بن عمر رضى الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : من جر ثوبه خيلاء لم ينظر الله اليه يوم القيامة -- اخرجه البخارى "qofka kibir iyo is qaad qaadis awgeed u jiida maradiisa Alle ma eego Maalinta Qiyaamaha".
3. Cilmiga is waafajinta Axaadiithta is khilaafsan:
waxaa ka mid ah mabaadi'da fahamka Sunnada in aqoon loo yeesho sidaa la isu waafajiyo ama loo kala rajaxo nusuusta kusoo aroorta Sunnada Saxiixa ah. Inbu Salaax wuxuu ku sheegay kitaabkiisa( مقدمة ابن صلاح): "waxaanu ka soo warinay Maxammed binu Isxaaq binu Khusayma inuu yidhi: "ma ogi xadiith Nabiga lagaga soo wariyey laba sanad/abtirsiimo oo saxiix ah oo isku lid, cidii taa haysaa ha ii keento si aan isu waafajiyo". Tusaale:
حديث: "لا عدوى ولا ضرار". متفق عليه. "ma jirto sadhayn iyo dhibaato"
وحديث: "وفر من المجدوم كما تفر من الاسد ". اخرجه البخارى.
"uga firdho qofka Juudaanka qaba sida looga firdhado Libaaxa oo kale".
Xadiith kastaa wuxuu leeyahay wakhti iyo kaalin -- hadii la dhigo halka uu munaasabka ku yahay khilaafkiisii wuu suulayaa.
Xadiithkeena 1aad: waxaa lagu burinaayey caqiidadii gaalada ee ay ku baasaysan jireen; xoolaha, haweenka iyo guryaha.
Xadiithkeena 2aadna: waxaa la inooga digayaa wixii hubaal ahaan dhibi ku jirto ee ay tahay in laga feejignaado( qadarka Alle ayaa qadarka Alle loogu firdhanayaa).
4. Aqoonta Sababbaha soo aroorista Xadiithka: Fahamka Sunnada lagu fahmo duruufta/waayaha iyo sababbaha awgood uu usoo arooray Xadiithku; ayaa ina gayeysiinaysa in ay naan Xadiithna ka saarin duruuftiisa gaarka ah. Waxaynu ognahay Axaadiithtu ay xidhiidh la leeyihiin dhacdooyin leh wakhti iyo duruufo gaar ah, oo marka ay soo aroorayeen nolosha dadka saamenteeda ku lahayd.
Tusaale: حديث: "انتم اعلم بامور دنياكم" : ان النبي صلى الله عليه وسلم مر بقوم يلقحون، فقال: "لو لم تفعلوا لصلح" اخرجه مسلم "Idinkaa u aqoon leh wixii aduunyadiina khuseeya" waxay ku timi mar uu Nabigu soo maray beeralay dhir timireed bac-riminaysa oo uu ku yidhi: " waxaa wanaagsanaan lahayd inaad ka dhaaftaan bac-rimiska". Dadka qaarkood ayaa Xadiithkaa ka dhigtay waxay kaga cararaan Axkaamta Shareecada ee dhanka Dhaqaalaha iyo Siyaasada iwm. Iyagoo ku andacoonaya arintaasi waa "amuurta adduunyadayada" oo Rasuulkaaba amuurahaa dadka u xilsaaray inay go'aamiyaan wixii ay u la ekoonaato iyaga. Laakiin qolyahani waxay moogan yihiin in uu Xadiithkani leeyahay sabab uu ku soo arooray oo ahayd qisada "bac-riminta dhir timireedka", oo uu Nabiguna(SCW) u tilmaamay beeralaydii sidii uu u malaynayey in ay wanaagsannaan lahayd, beeralaydiina ay u qaateen tilmaantaa Nabiga in ay tahay amar Diineed oo uu farayo. Sanadaa midhihii soo baxay intii hore wayka yaraadeen. Markaa suu Nabigu ku yidhi riwaayad kale oo Muslim soo wariyey: "male ayuun baan maleeyey e, ee malahayga ha ii qaadina...".
5. Aqoonta Axadiithta Qariibka/Dhifka ah: Sunnada Nabiga oo loo yeesho faham toosan iyo dheegasho saxan, wax lagu heli karaa kali ah marka aqoon loo yeesho erayada Qariibka/Dhifka ah ee aan yaalaa aad loo adeegsan ama aan la fahmaynin. Kuwaa waxaa lagu fahmaa marka loo tixraaco erayga Qariibka ah macnihiisa oo ku soo arooray Xadiithka dhexdiisa ama Xadiith ku soo arooray dariiq kale ( fiiri: فتح المغيث، ج4، ص33-35). Tusaale:
Kelmada( الدخ) waxay ku soo aroortay: . قال قال النبي - صلى الله عليه وسلم- لابن صياد : " خبأت لك خبيئا...". قال الدخ. قال: اخسأ فلن تعدوا قدرك Kelmada( الدخ) waa kalmad qarsoon oo aan macnaheeda laga fahmaynin halkan, laakiin Xadiith kale oo dariiq kale ku yimid ayaa macnaheeda aynu ka fahmaynaa in uu(الدخان ) la macna yahay.
ما رواه ابو داود" ... خباء له" (( يَوْمَ تَأْتِي السَّمَاءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ )).
Ibnu Salaaxna (فى مقدمته )wuxuu ku fasiray kelmada ( الدخ) dhaqan ay leeyihiin faaliyayaashu marka ay Shayaaadhiinta ka soo xigtaan hadal aan dhamayn, sababtaa awgeed buu Nabigu ugu yidhi Inbu Sayaad
(اخسأ فلن تعدوا قدرك ) .
6. Aqoonta lagu kala soocayo Nasakhaha(الناسخ ) & La-Nasakhaha( المنسوخ): kala garashada Xadiithka Naasikha iyo ka Mansuukha ah waxa mid lagama maarmaan u ah aqoonta cilmiga Xadiithka. Aqoontan la'aanteed lama garan karo Axmaamta ka lagu camal falayo iyo ka la nasakhay. Waxaa lagu garan karayaa ka la nasakhay odhaah cad oo laga wariyey Rasuulka(scw), ama odhaah Saxaabi, ama caddayn taariikheed oo la suggay, ama tusmo lagu jamacsanyahay.
Tusaale: 1) Odhaah cad oo ka sugnaatey Rasuulka(scw): حديث: بريدة بن الحصيب ان الرسول الله صلى الله عليه وسلم قال: " نهيتكم عن زيارة القبور فزوروها ونهيتكم عن لحوم الاضاحى فوق ثلاث فامسكوا ما بدا لكم ونهيتكم عن عن النبيد الا فى سقاء فاشربوا فى الاسقية كلها ولا تشربوا . مسكرا". اخرجه مسلم. Xadiithkani wuxuu si cad inoogu sheegayaa waxyaabo hore uu Rasuulku(scw) u reebay oo uu mardambena farayo ku camal falkooda sida: booqashada qabuuraha; In hilibka udhxiyada la haysan waxka badan sadex dharaarood; Nabiidka in lagu cabbo weel kasta, oo aan la cabin maan-dooriye. 2) Odhaan ka sugnaatay Saxaabi:
قول جابر بن عبد الله : "كان اخر الامرين من رسول الله ترك الوضوء مما مست النار ". اخرجه النساءي فى سننه.
Saxaabiga(جابر بن عبد الله ) wuxuu halkan ku sheegayaa in la nasakhay Xadiithka ah -- in laga waysaysto wixii dab taabtay. 3) Taariikh cad oo suggan: " كحديث شداد بن اوس مرفوعا : " افطر الحاجم والمحجوم". اخرجه ابوا داود فى سننه
Xadiithkan Marfuuca ah(sannadkiisa loo rafciyey saxaabiga warinaya) ayaa amraya in uu afuro(soon ka jebiyaan) ka la toobay iyo ka wax toobay labaduba. وحديث ابن عباس : " ان النبي صلي الله عليه وسلم احتجم، وهو محرم واحتجم، وهو صائم ". اخرجه البخاري Xadiithkan( ابن عباس) wuxuu suggayaa xukumka nasakhaya Xadiithkii hore -- wuxu sheegay in Nabigu(scw) is toobay isaga oo muxram ah iyo isaga oo sooman. Waxaa kale oo dariiqyo kale lagu ogaaday in Xadiithka(شداد ) uu wakhtigiisu ahaa xiligii Furashada Makka, oo Ibnu Cabaas uu Rasuulka la socday Xajjkii Sagootiska.
4. Tusmo lagu jamacsanyahay:
Waxaa si Ijmaac ah lagu nasakhay dilka qofka Khamri cabba af jeer; Ijamaacana lama nasakho!
قال النبوى: ((و منه ما يعرف بدلالة الاجماع كترك قتل شارب الخمر فى المرة الرابعة، والاجماع لا ينسخ)) تدريب الراوي، ص362-363 .
7. Aqoonta sare ee Afka Carabiga :
Inta aan wax laga odhan Sunnada Nabiga(scw) waxaa waajib ah in aqoon durugsan loo yeesho Af Carabiga iyo fanniyada hoos yimaada oo dhan, si ay u fududaato kala soocista hadalka kiisa dhayda ka cad -- daahirkiisa, xaqiiqadiisa-- iyo sarbeebtiisa, ka lagu tiraabay iyo ka laga fahmay. Tusaale: in hadalka lagu xambaaro sarbeeb waxaa tusaale u noqon kara kan soo socda; قول الرسول صلى الله عليه وسلم لنساءه حين قلن له: اينا اسرع بك لحوقا، فقال 'اطولكن يدا' . اخرجه البخارى Hadalkan sarbeebta ah ee dhexmaray Rasuulka iyo Dumarkiisa, waxay H.Mu'miniintu u qaateen xaqiiqadiisa, markaasay gacmahooda ku qiyaaseen ul si ay u ogaadaan tooda ugu gacan dheer. Se Rasuulku waxa uu hadalkan sarbeebban uga jeeday tooda ugu sadaqo bixis iyo khayr falis badan.
8. Fahamka Naska Nabiga ee loo raacayo hadalka Saxaabada & Taabiciyiinta:
Mar hadii ay Saxaabadu yihiin dadkii u soo joogay markii Waxyiga Alle ku soo degayey Nabiga(scw); oo u Nabiga Allena dhex joogay isaga oo iyaga Diinta barayey, fahamkoodana toosinayey. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka faa'iidaysano fahamkooda toosan ee ay u leeyihiin Axaadiithta; inaga oo u raacayna odhaahadooda suggan. Tusaale: حديث استقبال القبلة واستدبارها عن ابى ايوب الانصار ان النبي صلى الله عليه وسلم قَالَ : " إِذَا أَتَيْتُمُ الْغَائِطَ فَلَا تَسْتَقْبِلُوا الْقِبْلَةَ وَلَا تَسْتَدْبِرُوهَا ، وَلَكِنْ شَرِّقُوا أَوْ غَرِّبُوا " . متفق عليه. Xadiithkani wuxuu daliil/caddayn u yahay in ay reebtoontahay la isku toosiyo ama dhabarka loo jeediyo Qiblada marka xaajjada lagu guddanyo meel saxare ah ama dhul bannaan, laakiin ay bannaantahay dhankii loo jeestaba marka lagu jiro dhisme.
Wa bi laahi tawfiiq
W/Q: Dr Mustafe Kaydsane
Fahamka iyo La-dhaqanka toosan ee Sunnada Nabiga: Q.2aad