Waxa beryahan danbe socda arrimo is barkan oo ujeeddooyin kala geddisan laga leeyahay, farriimo kala durugsanna gudbinaya.
Waxa halkaas iyo halkeer ba ka soo baxaya yeedhmooyin qaabab kala duwan loo soo jeedinayo, arrimo isku cayn iyo bayd go'anna ku baaqaya.
Yeedhmooyinkaasi waxay ku wajahan yihiin bulshada waxaanay dhammaantood adeegsanayaan hal agab oo ah qoraalka iyo qalinka.
Waxay ku baaqayaan:
1- In la fekero maankana dabarka laga jaro oo la xoreeyo !
2- In wax la qoro, oo qalinka la liso, maskaxdana la tuujiyo, dareenkana la cabbiro.
3- In wax kasta oo hore u lahaa xushmad diimeed ama mid dhaqan, su’aal la geliyo, dibna loo curiyo jireyaashii hore ee sooyaalka taariikheed gaboojiyey!
Ha ahaatee in badan oo ka mid ah dhawaqyadaas, marka aad u dheg-raariciso, mugga farriimeed ee ay xambaarsan yihiin, sidoo kale mucda ujeeddadooda aad dhuuxdo, waxa kuu dhadhamaya qadhaadhka hoose ee ulajeeddaysan.
Waxaana kuu bidhaamaya dhooqada ligiska ah ee hoos dhabbacanaysa, taasoo dhabqinaysa qurxoonaantii qoraalka ee luuqadeed, isla markaana dhaawacaysa fayo qabkii caqiido ee toosneyd.
1. Dacwaddani qurxoonaa
2. Dulucduna qarribanaa
3. Doodahan baxaayiyo
4. Durbaannadan la tumayaa
5. Dadnimada ka dheeraa!
6. Maxay boholo dedayaan
7. Maxay dabinno xidhanayaan
8. Maxay maan derderayaan
9. Maxay dacar qadhaadhiyo
10. Doocaanka malabeed
11. Isku soo dardarayaan
12. Duuflaaladeennani
13. Maxay diinta durayaan!
14. Maxay magacyo dahabiyo
15. Daah ka feydka maankiyo
16. Dardargelinta garashada
17. Daabac iigu rogayaan.
18. Ninkii aan digniin qabin
19. Daliillada quraankiyo
20. Darkii Nebiga daalacan (scw)
21. Culimada la deris noqon
22. Daacuun wax dila iyo
23. Waabey ku durayaan
24. Isagoon iskaba deyin
25. Suntan dacalka loo sudhay
26. Sidii dibi mid kale wado
27. Dib u soo darbinayaan !
--------------;
-----------
Garoocasho buugga "Hal-------" bogga: 43aad, filasho wacan amminta roobku noo da’o - idamka Alle.
Qalinkii: Dr.Abdulqani Beder
Buugga: "Hal--------"