عربي Soomaali
Baraha Bulshada

Calmaaniyadda iyo soomaalida..Qoraa Ismaaciil Daacad

0
Monday November 21, 2016 - 09:04:54 in Maqaallo by
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calmaaniyadda iyo soomaalida..Qoraa Ismaaciil Daacad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac

Ugu horrayn mahad oo dhami waxay u sugnaatay Alla weyne koree oo hufnaaye, Ilaahoow adigaa mahad oo dhan iska leh horrayso iyo dambayso labadaba, Allow waxaan kaaga mahadcelinayaa galladahaaga tirada badan ee aad igu maashaysay iyo guulaha talantaaliga ah ee aad igu galladdaysatay goorwalba iyo goobwalba.

Allow waxaan kaaga mahadcelinayaa galladda abbuurka iyo ahaysiinta, galladda bini-aadamnimada iyo dadnimada, galladda muslimnimada iyo iimaanka, galladda dhallinyarannimada iyo xooggeeda, galladda caafimaadka iyo fayaqabka, galladda aqoonta iyo garashada.

Allow waxaan kaaga mahadcelinayaa galladdahaaga aanan tiro iyo magac midna kusoo koobayn, galladaha intaan ogsoonahay ee ka warqabo ay ka badan yihiin inta aanan ogsoonayn ee warkoodaba hayn, galladaha inta aan xasuusan karo ee magacooda sheegi karo ay ka badan yihiin inta aanan xasuusanayn isla markaana magayadoodaba garanayn, galladaha tiradooda, waxtarkooda, iyo malkada ay iigu jiraanba aanan ahayn mid marna si dhab ah u garan kara ugana garaabi kara.

Marka labaad jaallayaal bariido suuban oo sareedo iyo saraynteeda wadata iga guddooma idilkiinba meelwal oo aad adduunyadan kaga sugan tihiin, arooryo suuban iyo jumca barkhadle samihiisa iyo wanaagiisaba wata ayaan Alle innoo wada weydiinayaaye aamiinta iigu kaalmeeya, waxaynu Alle weyne sarreeye ka rajaynaynaa inuu innaga ajiibo yeedhmadaa addoonnimee.

Qeexidda calmaaniyadda.


=====================================
Waa maxay calmaaniyaddu?

Calmaaniyaddu waa dhaqdhaqaaq fikir oo u taagan ka dhartiridda, ama ka siibidda nolosha bini-aadamka laga dhartiro halbeegyada diineed.
( العلمانية هي حركة فكرية تعمل ان تكون حياة الانسان خالية من معايير الدينة).
Ereyga calmaaniyad asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa ereyga afka carabiga ah ee calmaaniya= علمانية.
Afka soomaaliga haddii looga meel dayona waxa ugu dhow ereyga wabiinnimo, sida aan ka qoray aqoonyahanka weyn ee dr. Aabbi mar uu aqoon fagaareed ka jeedinayey mac-hadka horumarinta bini-aadamka ee hargeysa.

Waxa xusid mudan ereygani afka carabiga laftiisa inuu yahay ereyada dhowaan soo gal ah ee aan hore loo aqoon ama aan idhaahdee hore loo adeegsan jirin, waxa uu ka yimid afayntii ama turjumaaddii ereyga laatiinka ah ee loo yaqaan ( secularism). Ereyganna waxa lagu qeexaa labadan qeexiddood;
- secularism= the belief that religion should not be involved with the ordinary social and political activities of a country.
(Cambridge English Dictionary)
-secularism= a system of social organization and education where religion is not allowed apart in civil affairs.

Calmaaniyaddu waxay cuskataa, isku taagtaa kuna tiirsataa saddexdan tiir;
- In bini-aadamku adduunyadda oo qudha daneeyo hawshiisa oo dhanna isugu geeyo iyada.
- In aqoonta, hab-dhaqanka, hab-fikirka, iyo barashada nololeed ee bini-aadamka laga siibo oo laga tirtiro wax kasta oo diin raad ku leh.
- In hoggaaminta, maamulka, iyo hagitaanka ummaddeed ee bulshada laga dheereeyo diinta iyo xeerarkeeda.

Xagga sooyaalka calmaaniyadda marka dib loogu noqdo waxay kasoo jeeddaa dunida galbeedka gaar ahaan qaaradda yurub, waxana lagu tilmaamaa inay tahay natiijo ka dhalatay, Iska hor imaad ka dhex dhashay, kaniisadda iyo noloshii bulsho ee caadiga ahayd.
Loolan dheer oo adag baa dhex maray kaniisaddii iyo qolyihii calmaaniyadda hogaanka u hayey ee calmaaniyadda bilowgeeda lahaa
ugu dambayntiina calmaaniyiintii waxyaabo badan bay kaga guulaysteen Kaniisaddii iyo raggeedii, waana taas sababta keentay inay faafto calmaaniyaddu oo dunida meelo badan gaadho.

Calmaaniyaddu waqtiyadaa ay halganka ku jirtay waxay ku koobnayd dunida galbeedka oo qudha mana ahayn mid halkaa soo dhaafsan, hase ahaatee markii ay galbeedkii ku guulaysatay midho dhal fiicanna gaadhay ayay ugasoo talowday meelo badan oo adduunyada dacaladeeda ah, meelo badan oo ay tagtay markiiba way ka hawlgashay si fudud oo lamabay kulmin wax iska caabin ah meelo badanna loolan adag bay gashay, guul iyo guuldarona labadana way kasoo hoysay,

Meelaha ay calmaaniyaddu usoo gudubtay waxa ka mid ahaa dunida islaamka oo ay meelo badan soo caga dhigatay, iyadoo ay sidaan dadyow kala gedisan qaabab kala duwanna loo wado.

Dunida islaamka iyo dawlaha muslimiinta meelaha ee ay degtay xamaamadana dhigatay bilowgiiba waxaa ka mid ah:-
- Waddanka turkiga oo ay horseed u ahaayeen Mustafa Kamaal Ataatook iyo xertiisii minjo xaabiyey dawlad weyntii dunida islaamka ee cusmaaniyiinta.
Waddankaa turkiga calmaaniyaddu dhiigga ayay raacday, guriwalba way gashay, dhammaan haayaha dawlada, shaqaalaha, aqoonyahanka, Ciidamada iwm waxaa kasoo ifbaxay calmaaninimo baahsan, waddankana si weyn ayay u biyo dhigtay.
- Waddanka Masar oo ay ciidamada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, iyo qaybo badan oo bulshada ah gashay.
Calmaaniyadda siyaasiyiinta ee masar waxaynu ka xusi karaa odhaahdii caanka ahayd ee Anwar saadaat madaxweynihii hore ee masar ee ahayd " diinta siyaasadi kuma jirto, siyaasaddana diini kuma jirto"

- Waddanka tuunis ayaa ka mid ahaa meelaha ay calmaaniyaddu gashay iyadoo ay hoggaamiyaan siyaasiyiintii Xabiib Burqiiba iyo raggii la midka ahaa.
- Waddanka lubnaan ayaa isna ka mid aha meelaha uu xanuunkaasi ku habsaday dunida islaamka, waxana qayb weyn ku lahaa bulshada kiristaanka ah ee waddankaa qaybta ku leh.
- Waddanka suuriya ayaa isna wuxuu ka mid yahay meelaha mashaqadani haleeshay, boogaha xanuunka badanna ku yeelatay, waxana inta badan horseed ka ahaa siyaasiyiinta iyo qolyaha ummadda hogaanka u haya oo aalaaba noqda tuubooyinka shaashaynta iyo wasakhaynta bulsho nadiif oo fayow.

Calmaaniyadda iyo soomaalida
=====================================
Ugu horrayn waxaynu isweydiin doonnaa dhawr weydiimood oo qoraalkeenani ka warecelin doono kuwaasoo kala noqon doona sidan;
- Soomaalida calmaaniyaddaasi ma soo gashay edeggeeda iyo xayn daabkeeda, oo ma tahay wax laga helayo?.
- haddii ay soo gashay waa goorma goorta ay soo gashay hilaaddeeda iyo xilliga ay ku aaddan tahay xagga sooyaalka iyo tagtada?.
- Haddii ay soo gashay sidee ayay kusoo gashay calmaaniyaddu bulshada soomaalida?.
- Maxay yihiin waddooyinka ay soo martay, toobiyayaasha ay soo raacday iyo dawyada ay soo qaaday calmaaniyaddu goortii ay degelka soomaalida soo caga dhiganaysay?.
- Qaybehee bulshada ka mid ah ayay ka tirsan yihiin calmaaniyiinta soomaalidu haddii ay jiraan?.

- Maxay yihiin tilmaamaha iy baadisoocda calmaaniyiinta soomaalidu iyo dabcan guud ahaanba calmaaniyiinta dunida islaamka ugu baaqaya cudurkan liita ee calmaaniyadda iyo waxyaabaha ay kaga soocan yihiin bulshada muslimiinta fayow ee ka samata baxay xanuunkaa qadhaadhka badan ee calmaaniyadda?.
- Waa maxay qayb tireedda ama nisbada(percentage-ka) ay ka noqonayaan bulsho weynta soomaaliyeed ee muslimka ah calmaaniyiintan buka ee cudurkaasi aafeey ama aan idhaahdee oofaha tiray?.

- Muxuu yahay hawl qabadka iyo hawsha calmaaniyiintaasi hayaan maanta ilaa maalintii uu bilaabmay jiritaankoodu marka loo eego bulshada soomaalida dhexdeeda?.
- Maxay yihiin waxyaabaha ay u adeegsadaan hawshooda aynnu tilmaami doonno iyo farsamooyinka gurracan ee ay isticmaalaan?.
- Xaggee adduunyadan aynnu joogno kaga sugan yihiin, carro edegna ugu badan yihiin oo laga heli karaa?.
- Waa ciddee qaybta ama qaybaha bulshadeenna kamid ah ee ugu nugul oo xanuunkani haleeli karo, difaacooda iyo iska caabintooduna hoosayso, oo u baahan in badan in looga digo iyaguna ay ka digtoonaadaan?.

- Maxay tahay kodada iyo kaalinta kaga aaddan qofwal oo muslim Alle yaqaana ah, sidii xanuunkaa soomaalida iyo bulshoweynta muslimiinta adduunkaba looga badbaadin lahaa inta uu haleelay ee la daranyaysanna looga dawayn lahaa?.
- Maxay yihiin dawooyinka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo si aanu u aafayn inta fayow iyo kuwa ugu toolmoon ee lagula tacaali karo bukaan jiifka iyo bukaan socodka cudurkan la dubatoobay?.
- Maxay yihiin xirfadaha iyo xeeladaha ugu wanaagsan ee loo baahan yahay in laga helo oo lagu hubeeyo dhakhtarka la doonayo ama aan idhaahdee loo diyaarinayo inuu xanuunkan daweeyo?.

Weydiimahaa iyo wixii ka ag dhow waxay noqon doonaan qaarka aynnu isdul taagi doonno inta aynnu wadno xog bixintan iyo xog warrankan aynnu saaka ka bilownay barkulannadan iyo degelada wartebiyayaasha ee mareegta loo yaqaan internetka.
Wixii xog bixin ama talo bixin ah ee ku wajahan calmaaniyadda soomaalida diyaar baan u ahay.

La soco qormada labaad insha Allaah.

W/Q:Ismaaciil Ciise Xuseen 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip