KAMARADDA QARSOON
IYO XUKUNKEEDA
Mahad oo dhan waxaa mutay alle sw,
Nabad gelyo iyo amaan allen aha ahaato rasuulkeenii muxamed korkiisa.
Waxaa jira ficil ay ku kacaan dadka qaarkood iyaga oo uga jeeda
ciyaariyo kaga qosolin, ficilkaas oo loo yaqaan Camerada Qarsoon.
Camerada Qarsoon waa in meel lagu qariyo camero , kadibna qofka la doonayo in lagu ciyaaro ama lagu
qoslo lagu la kaco waxyaabo naxdin , baqdin iyo dhib u geysanaya, mudo ka dibna
la tusayo camerada qarsoon.
Hadaba waxaa is waydiin leh waa maxay xukunka ficilkaasi xaga
shareecada.
Si kooban hadaynu u sheegno ficilkaasi ma aha mid banan ;waayo
wuxuu xambaarsanyahay dhibaatooyin ka la duwan sida:
1)
Argagaxiyo baqdin gelin loo geysanayo qofka lagu samaynayaa ficilkaa, qofka in la argagax geliyo na waa xaaraan.
عَنْ
عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ أَبِي لَيْلَى، قَالَ: حَدَّثَنَا أَصْحَابُ مُحَمَّدٍ
صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، أَنَّهُمْ كَانُوا يَسِيرُونَ مَعَ النَّبِيِّ
صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَنَامَ رَجُلٌ مِنْهُمْ، فَانْطَلَقَ
بَعْضُهُمْ إِلَى حَبْلٍ مَعَهُ فَأَخَذَهُ، فَفَزِعَ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ
صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا يَحِلُّ لِمُسْلِمٍ أَنْ يُرَوِّعَ
مُسْلِمًا».
Asxaabta
rasuulka (n.n.k.h) ayaa maalin iyaga oo safar ku jira ayaa qolo ka mid ahi waxay
ka qariyeen saxaabi hurda leebkiisii, markii uu toosay ee uu waayay leebkii ayuu
argagaxay, kadibna ragii ogaa in laga qariyay ayaa qoslay, rasuulkii(n.n.k.h) ayaa weydiiyey waxay ku qoslayaan,
waxay uga warameen ficilkii dhacay, rasuulku (n.n.k.h) wuxuu yidhi : QOF
MUSLIM AH U MA BANAANA IN UU KA NIXIYO AMA ARGAGAX GELIYO QOF KALE OO MUSLIM AH.
عَنْ
عَبْدِ اللَّهِ بْنِ السَّائِبِ بْنِ يَزِيدَ، عَنْ أَبِيهِ، عَنْ جَدِّهِ،
أَنَّهُ سَمِعَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، يَقُولُ: «لَا
يَأْخُذَنَّ أَحَدُكُمْ مَتَاعَ أَخِيهِ لَاعِبًا، وَلَا جَادًّا».
Qof idin
ka mid ahi yaanu qaadan alaabta walaalkii isaga oo ku ciyaaraya iyo isaga oo ay dhab ka tahay toona.
Waxaa arinkaa
loo diiday waxaa ku jira argagax gelin.
عنأَبي
هُرَيْرَةَ، عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا يُشِيرُ
أَحَدُكُمْ إِلَى أَخِيهِ بِالسِّلَاحِ، فَإِنَّهُ لَا يَدْرِي أَحَدُكُمْ لَعَلَّ
الشَّيْطَانَ يَنْزِعُ فِي يَدِهِ فَيَقَعُ فِي حُفْرَةٍ مِنَ النَّارِ».
Wuxuu reebay oo diiday rasuulku(n.n.k.h)in hubka la
isku fiiqo ama la isku jeediyo, waayo waxaa suuro gal ah in shaydaanku faramaroojiyo oo uu dhib ka dhasho.
Waxaa
kale oo ku jira in qofkii ka argagaxayo.
2)
Waxaa kale oo ku jira
in been la sheegayo si dadka looga qosliyo, beentuna waa xaaraan.
قالبَهْزُ بْنُ
حَكِيمٍ قَالَ: حَدَّثَنِي أَبِي، عَنْ جَدِّي، قَالَ: سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى
اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «وَيْلٌ لِلَّذِي يُحَدِّثُ بِالحَدِيثِ
لِيُضْحِكَ بِهِ القَوْمَ فَيَكْذِبُ، وَيْلٌ لَهُ وَيْلٌ لَهُ».
Wuxuu yidhi rasuulku (n.n.k.h): waxaa halaag iyo dhib mutaystay ka dadka
war been ah u sheega isaga oo uga jeeda kaga qosliyo.
Qaababkaa aynu sheegnay marka
la eego waxaa cad in aanay banaanayn waxaa loo yaqaano Camerada Qarsoon.
Hadaba qofka muslimka
ah waxaa la gudboon in uu ka dheeraado wixii alle s.w uu diiday si uu u
liibaano aakhiro iyo aduunba.
Kamaradda Qarsoon iyo Xukunkeeda.