عربي Soomaali
Baraha Bulshada

Fahamka iyo La-dhaqanka toosan ee Sunnada Nabiga: Q.1aad

0
Sunday November 06, 2016 - 14:25:40 in Maqaallo by
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahamka iyo La-dhaqanka toosan ee Sunnada Nabiga: Q.1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.1 Goggoldhig:

قال الله تعالى:( فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا )(النساء:59)


" markii aad arin isku khilaaftaan waxaa u celisaan arinka Alle iyo Rasuulka, hadii aad tihiin kuwa aaminsan Alle iyo Maalinta Qiyaame, sidaasaa idiin leh khayr oo ugu fasir wanaagsan"
---------------------------

قال الله تعالى:( لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجو الله واليوم الآخر وذكر الله كثيرا )( الاحزاب:21 )
"Ku dayasho wanaagsan ayaa Rasuulka Alle ugu sugan kuwa rabta in ay Alle kala kulmaan abaalmarin iyo naxariistiisa maalinka qiyaamaha, ee Allena in badan xusaya" .
------------------------
وتعالى: {وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانْتَهُوا}[الحشر: 7].
" Waxa Rasuulku idin faro qaata wixii uu idinka reebana ka reebtoonaada"
---------------------------
و قال تعالي: ( قل إن كنتم تحبون الله فاتبعوني يحببكم الله ويغفر لكم ذنوبكم والله غفور رحيم)(ال عمرن: 31)

" Dheh[Nabi Alloow] hadii aad Alle jeceshihiin aniga i raaca, markaasaa Alle idin jeclaanayaa oo uu idiin dambi dhaafayaa, Alle waa dambi dhaaf iyo naxariis badan"
------------------------
Casrigan maanta umaddeenu waxay baahi wayn u qabtaa mashruuc hinqasho oo dhamaystiran oo markale u soo celiya mas'uuliyaddeedii hogaaminneed, dhexdhexaadnimo iyo xadaarad-dhisinneed. Hamigaana waxaa lagu gaadhi karaa oo kali ah marka ay bulshooyinka Islaamku fuliyaan shuruudaha lagama maarmaanka u ah-- dib u hanashada kaalinteeda horyaalnimo -- oo ay ugu horeyso; dhisida iyo qaabaynta fikir iyo dhaqan isku sidkan oo u gaar ah umaddan.
Waxyiga Alle( Qur'aanka & Sunnada) ayaa laf-dhabar u ah dhisida fikir iyo nidaam u adeega dhisme xadaarad umaddeed oo caalamka markale u horseeda hannuun iyo akhlaaq ka soo hirta/dabaasha nolosha ay hogaaminayso Maadaddu ama Shaynimadu( ee ka fog Manhajka Rabbaaniga ah ee Bashariyadu kaga samata-bixi karto dabar go' ka hareeyey dhankasta oo nolosheeda ah).

Laga soo bilaabo casrigii Nabiga(SCW), Saxaabada ilaa casrigii Imaamyada Mujtahidiinta ee waawayn waxaa marag ma doonto ahayd kaalinta ay Sunnadu kaga jirto hab-sharciyeedka Islaamka iyo raadka ay ku leedahay Fiqhiga Islaamka. Taasaa Fiqhiga Islaamka ka dhigtay mid yeesha dhaxal-sharciyeed aan wax lamid ahi jirin oo noqday mid umaddiba umadda ku xigta utabiso laga soo gaadho maantadan aynu joogno( waxaa Sannad ama abtirsiin sugnaanteeda la hubiyey la isaga wariyaa odhaahda, ficilka, iyo dhaqan-bulsheegkii Nabigeen SCW). Ruuxa dhuuxa Qur'aanka iyo Sunnada wuxuu ogaanayaa in Sunnadu raad wayn ku leedahay xadiga uu balaadh leeg yahay hab-sharciyeedka Islaamku; weynaantiisa iyo waaritaankiisa( waa mid uu garanayo ruux kasta oo caalimku ah dhanka fiqhiga iyo madaahibtiisa). Hab-sharciyeedkani waa mid ay qireen hufnaantiisa Qanuunyahanada iyo Sharciyahannada ee Dunida.
Astaantanti waa waxa cadawga islaamku ay cadaawad iyo weerar badan oo shaki-galin ah ugula kaceen Sunnada( iyagoo shaki galinaya xujjada sunnada) iyo run-sheegnimada wariyayaasheeda ay ugu waynyihiin Saxaabada Nabiga(SCW) iyo Taabiciinta. Si ay Sunnada Nabiga u humaatiyaan ayey cadaawadan isu bahaysteen cadawga islaamka ee Mustashriqiinta, uur-xumayaasha( sanaadiqada), iyo kuwo kasta oo kuwaas hoos yimaada.

Beryahan dambe waxaa bulshada Soomaaliyeed laga dhex maqlaa coddad qalaad oo Sunnada duraya. Hadaba kuwan habowsani ma wax cusub ayay sheegayaan mise waxa ay kadaba yeedhayaan colkaa aynu kor ku soo xusnay? Maya, wax cusub ma sheegayaan. Qormooyinkan soo socda ayeynu ku faahfaahin doona sababta ka dambaysa in Waxyiga Alle lakala dhawaysto( ayaga oo ku andacoonaya in Qur'aanka oo kali ahi yahay Waxyi, Sunnaduna aytahay sheekho baralay iyo khuraafaad).

Mawduucan aynu ku tilmaansanayno Fahamka toosan ee Sunnada Nabiga(SCW) -- waa mid mudnaan wayn leh wakhti kasta iyo casri kasta oo la joogo. Qarniyadii u dambeeyey waa soo baxay baahiyo intii hore ka badan, maadaama ay soo bexeen madaahiib iyo afkaar ku lid ah ahmiyada Waxyiga 2aad(Sunnada Nabiga) ee Diinteena. Sidii uu Alle ku balanqaaday inuu dhawri doono xaqnimada Diintan, ayay culimada islaamku casri kasta u darbanaayeen xifdinta Waxyiga Alle(Qur'aanka & Sunnada), baridiisa iyo ilaalintiisa. Intaa kagama ay tagin ee waxay u dhigeen xeerar lagu darbo sugnaanta Axaadiithta Nabiga(SCW). Sida aanu Fiqhigu uga maarmin cilmiga Usuulul-fqhiga si la mid ah ayaanay Axadiithtuna uga maarmaynin cilmiga Xadiithka ama Musdhalaxul-Xadiithka(Eray-bixinta Xadhiithka). Fahamka toosan ee loo yeesho Sunnada Nabigu waxaa ku xidhan fahamka dhamayska tiran ee loo yeesho Islaamka dhanka: Caqiiddada, Fiqhiga, Sharciga, Garsoorka, Dacwada, Barbaarinta iyo Jihaynta.

Hadaba si aynu uga boggano mawduuceena ' Fahamka iyo La-dhaqanka toosan ee Sunnada Nabigeena(SCW)', qormooyin taxanne ah ayeynu ku eegi doonaa, hadii Alle ogolaado. Waxaynu si dulmar ah u qaadaa dhigi doonaa qodobada ay ka mid yihiin:
- Fahamka Sunnada;
- Mabaadiida La-dhaqanka Sunnada;
- Halka ay Sunnadu kaga jirto Islaamka;
- Madmadow-galinta iyo marin-habaabinta lagula kacay Sunnada;
- Cida inkirtay Sunnada.

Wa bi laahi tawfiiq.

W/Q: Dr Mustafe kaydsane



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip