Dabayaaqadii 1986-dii waxa dalka Masar si fool-ka-fool ah dood la is hor fadhiyo markii u horraysay, is kaga hor yimi laba garab oo Calmaaniyiin iyo Islaamiyiin ahaa. Garabka Islaamiyiinta waxa calanka u siday Sh. Maxamed Qasaali iyo Dr: Yuusuf Qardaawi, dhinaca Calmaaniyiinta na waxa horboodayay Dr: Fu'aad Sakariye, oo ahaa Hormuudka Kulliyadda Falsafadda ee jaamacadda Cayn-Shamsi, halka Dr. Faraj Fawda iyo Waxiid Raafat, oo iyaguna ballanta ku jiray ay ka cudur daarteen in ay imanayaan.
Dooddaas oo ka dhacday meel la dhaho " Daarul-Xikma", waxa laga dooday hal mawduuc oo ahaa " diintu iyo dawladnimadu ma heshiinayaan"
Qodobkaas ayaa aad la lafa gurayay, inkastoo aan waxba la isku waafaqin, misana waxa ay dhabar jab weyn ku noqotay Calmaaniyiintii oo xujadoodii ay weydoowday.
Saddex sano ka dib, gu'gii 1989-kii ayaa mar labaad dood adagi ka dhacday hoolka kulliyadda siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Jaamacadda Qaahira. Dooddan waxa garabka Islaamiyiinta u feedho weynaa Dr. Maxamed Cammaara iyo Dr. Maxammed Sulaym Al-cawaa. Halka Calmaaniyiinta ay hoggaaminyeen Dr. Faraj Fawda iyo Dr. Fu'aad Sakariye.
Dooddan iyana wax sidaa usii buuran ama la xusi karo ba la islama meel dhigin. Maxaa aan la isula meel dhigayn tolow?, waa su'aal meesha taal!, waxa aad ka helaysaa, kutubtii dooddaa laga qoray oo ay ka mid yihiin midka uu qoray Dr: Salaax Saawi ee la dhaho
Dooddaas waxa la bartay waa kuma Calmaani?, muxuu rummaysan yahay?, xagguu ka shiidaal qaataa?, ayaa uu metelaa?.
Mid baa se xusid mudan; nimankaas calmaaniyiintahi waxa ay ku qanacsanaayeen in ay calmaaniyiin yihiin, kama aysan cadhoonayn magacaasi--- saa waxa ay qirsanaayeen runnimadiisa. Mawduuca ay iyagu rabeen in lagala doodana waxa uh ahaa; diintu ma tahay mid nolosha qarniga labaatanaad la jaanqaadaysa---xagga xukunka, maamulka, diblumaasiyadda iwm. Ladhkaa isaga ah ayaa hadalkoodu daarranaa, ogoobeey waaba inta ay ahayd in ay ka doodaan. Haddaba Calmaaniga Soomaaliyeed isagu ma ku qanacsanyahay in uu diin-faquuqe yahay?, haa mise maya! Isagu ma calmaani qudhaa, mise waxa u weheliya ummuuro kale?
Nin halkeer joogaa mar waxa uu yidhi, axaadiistu waa musuqmaasuq la dhoobo walaaqay oo aan xujo geli karin, Abuu Hurayra ayuu si doqonnimo ah u caayay! Siirada Nabigu waa been abuur ayuu yidhi, Qur'aanka halagu kaaftoomo ayuu warkiisa kusoo gabagabeeyay. Mar kalena waxa uu qoray maqaal uu u bixiyay " diinta iyo waayaha dadka", waxa uu si badheedh ah ugu xarriiqay in diin waxa la dhaho maca Quraankeeda, oo nolosha casriga ah la jaanaqaadayaa aanay jirin.
Qof qarnigii 21-aad jooga in la dhaho gacan ha la gooyo, caqliga aadanahay ka hor imanaysaa ayuu ku tiraabay!. Halkaana Quraankii waa uu ku diiday.
Weydiimmahan haddaba ha ka jawaabaan odayaashaas, oo laga xusi karo Ibraahin-Hawd Yuusuf, Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil Iyo Cali raage iyo kuwo badan oo taaabacsani ba.
1. Ma waxa la idinkala doodaa, arrinta xadiiska, xujonnimadiisa, runnimadiisa iyo diin-ku-aroorkiisa?( Oo Quraaniyiin baan idiinku soo hagaagnaa)
2. Ma waxa la idin kala doodaa Qur'aanka iyo qaniga labaatanaad in ay is oggolyihiin( Oo calmaaniyiin baan idinku calaamadsannaa)
3. Ma waxa la idinkala doodaa, xorriyada diimaha, xadka Murtadka, Iyo caqliga iyo camal-falkiisa( oo caqlaaniyiin taraaray baad tihiin)
4. Ma waxa aad rabtaan in la idinkala doodo shubuhaadka, iyo shakiga idin haysta ee aad ku asqawdeen( oo Mustashriqiin baad tihiin)?
Xaggee horta la idiinku yimaaddaa?
Su'aal furan......
W/Q: Cabdirashiid Libaax
Calmaaniga soomaaliyeed meel uun ha loogu soo hagaago!.