Ma xumaateen in magaca nin ku abtirsada dan saxa uga faa’iidaysto ama nin qiime leh uu tolka magiciisa xirto (labisto ) ee waxaa ceeb iyo mushkilad ah in si xun loo isticmaalo magicii tolka ka dhexeeyay ama nin wasakhaynayaa huwado.
Waxaa ka sii daran in mid aan isaga iyo aabbihi midna waligood dhiil dhacday toosin ay magiciina qaataan, dadkii tolka dhexdiisa qiimaha ka lahaana kaba xigsadaan oo ay isu muujiyaan inayba iyaga tolka ka difaacayaan.
Waxaa iyana aan munaasib ahayn in dadkii ikhyaarta ahaa tolka taladiisa iyo hoggaankiisa uga tagaan wax ma garatadaan meesha daran ka tuuraysa oo ay aqbalaan fogaynta iyo ka xigsiga.
Waxaa iyana mashaqo ah in kuwo laga roonayaal ahi tolka maalin walba dagaal galiyaan oo dadkii ikhyaarta ahaa ee la doonayey inay kuwaas tallaabo ka qaadaan ay ku khasbanaadaan inay labada dhinac ka soo kala saftaan!.
Haddii aynu niraahno beel hebla mooryaanta ama daroogaystayaasha ayaa xukuma been ma aynaan sheegin; waayo dabkay shideen bay 100% la galayaan.
Dhinac kale waxaynu oran karnaa tolku niman waalan ayuu jawaano lacag ah ka daba sidaa oo ay u qaybinayaan hadba qoladii ay kuwa waalani dad ka laayaan ama xoolo ka dhacaan ama dumar ka kufsadaan.
Gabagabadii ma jiro tolka nin labo aabbe ku leh ee waxaa lugu kala
hormarayaa qiimaha qof ahaaneed, waxtarka iyo in hoggaanka la isu
doorto; sidaa darteed dadka qiimaha iyo waxtarka leh rag iyo dimarba
yaanay kaalinta u bannayn mooryaanta iyo wax magaratada magaca iyo
maslaxada beeshaba dilaysa, si wanaagsana iyagu tolka ha u mataleen,
magiciisana ha ugu hadleen.
Xigasho:Raxan Reeb
Tolka ma mooryaantaa u talisa? W/Q Sh. Axmed Cabdisamad