عربي Soomaali
Baraha Bulshada

La Noolaanshaha Qur'aanka. Q1aad

0
Thursday March 25, 2021 - 11:26:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Noolaanshaha Qur'aanka. Q1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 La Noolaanshaha Qur’aanka
Q1aad: Aabbenimo, Hooyonnimo

Muuqaal saamayn wayn igu reebay buu ahaa oo igu dhacay muddo yar ka hor. Waxad moodaysay in naqasku igu dhagay, xasuuso horena waa ay igu soo hoobteen sida roobka. Sheekadan waxa iiga warramay saaxiib xidhiidh dhowi naga dhexeeyo. Wuxu ii sheegay maalin isaga oo inantiisa yare e laba sano jirka ah sida, oo jaranjaro ka soo degaya, in uu siibtay. Wuxu yidhi markii aan dhacay, waxa aan isu rogay xagga dhabarka, si ay u badbaaddo inantayda yar oo aan gacmaha ku siday. Waxa I soo gaadhay buu yidhi dhaawac culus, inantii yaraydna, iyada oo aan xagtin yari gaadhin ayay socotay oo ciyaarteedii iska bilaabatay. Sheekadaasi aad bay ii soo jiidatay, AABBENIMO ayaa ku dheehan.


Sheeko tan u eeg ayaan iyadana soo xasuustay. Waxa iiga sheekeeyay nin aannu saaxiib nahay. Wuxu yidhi: waan xanuunsaday. Habeenkii oo dhan waxa aan la soo jeeday xummad. Hooyaday ayaa I ag jiift oo iyana soo jeedda. Waxan u arkayay wax ay hooyo waliba samayso. Balse waxa arrinka yaabka lihi ahaa, markii aan maqlay iyada oo hoos u ducaysanaysa oo leh: Ilaahayow xanuunkiisa kayga ka dhig, Ilaahayow xanuunka isaga haya aniga igu soo wareeji!! HOOYONIMO heerkii ugu sarraysay weeye. Waxa dareen aad u qoto dheer oo aanay fahmay dadku, qof hooyo ah mooyaane.

Dhacdooyinka iyo kuwo badan oo aad idinku garanaysaan, sababta aan u soo qaatay, xalqadaheennan ay xidhiidhka kala leedahaya waxa weeye, ubadka sidaa loo jecelyahay, waxa uu qur’aanku xusay, oo aayadda 11aad ee suuradda ‘al Macaarij’ Alle kaga warramayaa in maalinta qiyaame kuwa mujrimiinta ah ay ka gaadhayso in ay jeclaan lahaayeen in ay naarta iskaga furtaan; innamadooda. Macnihii carruurtooda naarta lagu guro iyaguna ay badbaadaan. Alle swc waxa uu inoo tilmaamayaa waxa ugu qaalisan ee ay maalintaa isku furan kari lahaayeen in ay carruurtooda yihiin!!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip